Fannaaniinta Cusub: Ku soo Shaac-bixid Wax Aanay Lahayn
Sheekadan
hoose waxa ay I xusuusisay sida fannaaniintan dambe aanay isugu hawlayn inay ku
soo shaac-baxaan heeso ay iyagu leeyihiin, oo ay si fudud u soo qaadayaan heeso
aanu tacab badani ka gelin oo iska diyaarsan. Heeso uu fannaankii lahaa ku soo
tabcay oo uu habeenno u soo jeeday, hadday noqoto xiftiga iyo laxan-saarista,
ayuu fannaan yar doonayaa inuu suuqa ku soo galo. Halkii uu isagu mid u gaar ah
ku soo shaac-bixi lahaa. Qaarkood cod xumida ayey kaga dareen, markay
heesayaan. Waayadii hore fannaanka codkiisa ayaa la tijaabin jiray, sidaasana
lagu go’aan qaadan jiray inuu bulshada u soo ban-baxo iyo in kale. Abwaan Xasan
Ganay ayaa kulan-suugaaneed ka dhacay hudheelkii la odhan jiray Miigsiig, lagu
weyddiiyey bal inuu isku dayey inuu weligii heesaa noqodo? Wuxuu si kooban ugu
jawaabay” Haddii aan halkan ka heeso, waxa la odhan nin ayaa halkan ka ooyaya”.
Wuxuu sarbeebay siduu u saluugsan yahay codkiisa.
Halku dhig nin lagu xidhay Muqdisho, oo ay
maxkamaddii Muqdisho nin u adeegsatay ayaa ahaa: Ciidankii nabadsugida ee Maxamed
Siyaad ayaa nin wejiga uga eeg Maxamed Siyaad ku xidhay magaalada Afgooye
horraantii sannadkii 1985-kii, dabadeed waxa ay soo taageen maxkamadii, waxa ay
ku eedeeyeen” isu-eekaysiiye madaxweynaha qaranka”. Sidaasi
darteed, Fannaaniintan cusub waa isku eekaysiiye Fannaan aanu gaadhayn. Hal dood ah oo
macquul ah ayaa heesahan in dib loo soo tumo gar u noqon karta. Taasi oo ah
inay heesihii hore la jaanqaadaan muusiga casrigan ee aadka u horumaray.
Dhawaan
ayaan la kulmay dhawr abwaan oo ka mid ahaa kuwii hore ee dhidibada u taagay
fanka Soomaalida wakhtiyadii dhexe oo ku sheekaysanaya geed u dhaw Istuudyaha
idaacadda Radhyow Hargaysa. Waxa aan ka xusuustaa kooxdii goobta joogtay
Abwaannada kala ah: Dacar, Xasan Ganay, Muuse Cali Faruur, Xasan Rooraaye,
Axmed Saleebaan Bidde iyo gabadha heesaaga ah ee Canab Diiriye.
Goobta waxa lagu hayey sheekooyinka Soomaalida ee inta badan bood-booda ee kolba mowduuc laga hadlo iyada oo aan kii hore laga gun-gaadhin. Iyada oo aanu sheekada, kaftanka iyo maaweellada goobta ka socota dhagaysanayno ayuu nin dhallinyaro ahi kooxdii su’aalay, fanka casriga ahi muxuu kaga duwan yahay kii aad ku soo jirteen 50 sanno ee la soo dhaafay? Runtii waan ka helay su’aash wiilka. Dhawr Abwaan ayaa jawaabo ka bixiyey, hasayeeshee waxa iiga soo baxay nuxurkan:
=
Waxa ay isku raacsanaayeen in fanku uu aad uga horumaray dhinaca qalab-tumista
(Muusiga), hasayeeshee wuu dib uga dhacay dhinaca midhaha. Waxa ay tusaale u
soo qaateen in 30 sanno ee la soo dhaafay aanay jirin hal riwaayada ah oo ka
soo baxday abwaannada horkacaya fankan cusub oo u dhiganta kuwii ay iyagu soo
bandhigi jireen. Sidoo kale waxa ay soo qaateen in fannaaniinta dambe inta
badan soo qaadaan heesihii ay hore u soo qaadeen fannaaniintii hore, keliya ay
ku ladheen muusiga casri ah, oo la jaanqaadaya adduunyada Tiknoolajiyada ka
hormartay.
=
Waxa kale oo ay soo qaateen inay meesha ka baxday ama aad u yaraatay ku
xidhnaashihii bulshada Soomaalida ee miyiga. Abwaannadu waxa ay heesaha ku
salayn jireen dhinaca miyiga oo bulshadu ay ahay ta keliya ee ay wax ku
fahmaysay. Haatan se magaalooyinka ayaa loo soo guuray. Fankan casirga ah waxa
laga doonaya inay in badan ku saleeyaan magaalooyinka ay dadkii u soo guureen,
aan se laga tegin miyigii oo iyana wax lagaga daro.
=
Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen inay meesha iyana ka baxday ama ay yaraatay
dawladihii fanka horumarin jiray. Dhaqaale iyo dhiiragelin aan xad-lahayn ayey
dawladihii hore fanka ku bixin jireen, marka laga tago dano siyaasadeed oo ay
ka lahaayeen haddana faa’iido iyo ku tirsanaan badan ayey fanka u ahayn.
Hasayeeshee taasina khatar kale ayey keentay, oo dawladihii fanka taageeri
jiray markii ay isku dhaceen dawladihii, iyakii ayaa lagu rogay riwaayadihii oo
dagaal qarsoon mar dambe ay dawaladihii fahmaan ayuu noqday.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!