U Hibeeya 29 / 11 / 2012 - Waa Maanso Waano Ah Nasiib Daroo Hibadaa Aan Bixiyay Abaalkeedii May Helin Waa Lala Anbaday

0
Friday July 10, 2020 - 10:30:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U Hibeeya 29 / 11 / 2012 - Waa Maanso Waano Ah Nasiib Daroo Hibadaa Aan Bixiyay Abaalkeedii May Helin Waa Lala Anbaday

    Guled liban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guled liban


Haniyaha wixii aan la odhan
hodan ma gaadhaane
hurdan wee ye leysugu banbaxay
heel fagaara ahe

Hirdidana darbaa laga adkaan


oo kubaasha ahe
uhibeeya kii sharaf uhela
hadal na soo gaabsha

Heeryada ka fura ololihu
nabad na heen seeya
halkaad joogto ruuxii kastow
qurux ku haasa wa

Heeliyo ciyaar wada tuntoo
horuu mar kaa dhawra
ku wa helay kuwaa maanta hadhay
kii hadhaw imamba

Waa hashaa la wada maalayee
hagari yay muuqan
hebel baan jeclahay qaran nimaa
kaaga hiboroone

Harta shiikha iyo daroor
hawd ki lagu ood may
hal yeey iyo intii geesi baxay
hooyo curad keeda

Hadhuub kay culeen waa kanaan
haynno dhabannaaye
himilada fogeeyo marnaba
hiiftan yuu imanin

Waa hawl waxaa loo tartamay
haamo fara weyne
hilaygaa ka furan ay rabaan
hiil in loo gala,e

Halgan kii ninkii garana yaw
yuu halmaan geline
natiijadu hal kii ay martaba
haa ku wada yeedha
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...