Waxa Aan Taaganahay Somaliland Habka Ay U Socoto Iyo Nidaamkeega Siyaasadeed Maaha Mid Soo Sida Horumar Iyo Hiigsi Fog

0
Friday July 10, 2020 - 10:26:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Aan Taaganahay Somaliland Habka Ay U Socoto Iyo Nidaamkeega Siyaasadeed Maaha Mid Soo Sida Horumar Iyo Hiigsi Fog

    Oo Mustaqbalka Dambe Ku Wanaagsanado !!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oo Mustaqbalka Dambe Ku Wanaagsanado !!!
Image

Waxa aad moodaa in qaab siyaasadeedka dalka iyo hab socodkii nidaamka dimuqaradiga ah ee dalka in la majara habaabiyey oo seeska looga dhigay qabiil , arinkani oo ah mid aan dalka iyo dadka Somaliland ee tacabka badan soo gallay anfacayn , isla markaana qof kasta oo wadadaa u soo mara kursigu ay ku adkaan doonto in qarankani horumar wanaagsan iyo hal abuurnimo lagu xasuusto ka tago.



Bishii sadexaad ee sanadkii 2017 ayey ahayd xiligii aan maqaal ka qorey san-saantii iyo hab dhaqankii ay siyaasada Somaliland waayadan dambe u xuub siibatay oo ahaa nidaam qabyaalad qaawan ah waxaana uu qoraalkaa cinwaankiisu ahaa ( Tartanka Reeraha iyo Talo xumaanta qarniga 21aad ) waad heli kartaa hadaad Google ka baadho.


Nidaamka siyaasadeed ee Somaliland u yaalla iyo qaabka loogu shaqeeyaa waa kaaf iyo kala dheeri , habka siyaasada iyo qaabka ismaamul ee Somaliland loogu talogalay waxa uu ahaa mid dimuqaradi ah oo aad u wanaagsan, u sigib tiran is miisaamaya oo u baahnaa in laga shaqeysiiyo oo aan la majaro habaabin waxii umada Somaliland isku ogeyd ee ay qoratey.


Waxa aan is leeyahay nidaamkani la inama sii wadi karayo , dalkanina uma baahna in loo kala abtiriyo oo la kala irdheeyo ee waxa uu rabaa in la soo ururiyo oo aragti iyo mabaadii ay ku midoobaan si loo gaadho horumar la taaban karo mustaqbalka dhow oo ay ugu muhiimsan tahay bal in la isku dayo hab fekerka dadka iyo nidaamka qofka muwaadinka ahi u xisaabtamayo in wax weyni iska badelaan , si loo badbaadiyo mustaqbalka iyo jiilasheena dambe.


Sida ay taariikhdu xusayso hore soomaali waxa isugu dillay nidaamkii dawladnimo oo qabiil iyo qabyaaladi dhex galeen isla markaana la qiimeyn kari waayo saxa iyo qaladkii , taasi oo gayeysiisay umada soomaaliyeed in la is aamini waayo waxna lawada qabsan kari waayo , iyada oo aan u aaneynayo waliba xiligaa in la laalay shuruucdii iyo dastuurkii dalka ee umadu dhigatay oo lagu badelay , xidha , amar qaado iyo dib u joogso , hadii aad kacaanka ka aragti duwanaato waxa aad tahay dib u socod.


Arimahani iyo qaar kale oo badani waxa ay ceel ku rideen mustaqbalkii jiilal badan oo dadka soomaaliyeed u kacay xiligaasi , waxa laga dhaxlay oo ilaa maanta la sixi kari laayahay fahamkii dawladnimo oo qalooc galay , tusaale ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waa dal dimuqaradi ah dastuur iyo shuruuc leh , laguma dhaqmo dadka shacbigana ma saacidaan inta badan , dawladuna waxa ay ka adeegsataa inta ay dadka ku bajiso ee ay u aragto in uu iyada dan u yahay ama ay ku awood sheegato.


Nidaamka dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa la koray qalooc iyo gabaaray dhiiga dadka iyo hantida dadka ku ilaashata masaaliixdooda iyo mansabyada ay haystaan , waxaana dalka ka jira shabakado musuq ku ababay oo reernimaduna u tahay gabaad oo u baahan u dedaal badan la galiyo sidii loo hagaajin lahaa hab fekerkooga wax looga badeli lahaa loona dareensiin lahaa in ay dalka iyagu leeyihiin isla markaana ay u tudhaan mustaqbalka dambe iyo ubadkooga waxa ay uga tagayaan.


Aduunka wax adagi ma jiro , wax walba oo wanaagsan waa laga midho dhalin karaa , waana aan aaminsanahay in Somaliland mustaqbal kan ka wanaagsani u soo ifayo in uu qaadan doono ayuun baanan hada garaneyne laakiin waa hubaal in aan sidan lagu soo jiri doonin.


Dadka Somaliland waxa ay ka ilbixi laayihiin in reerba reer lagu jiheeyo , si waxii umadu wada lahayd inta la isku mashquulsan yahay shuf looga siiyo oo uu meesha uga baxo isla xisaabtankii iyo wax isweydiintii , laakiin waxa balan ah in aanaan ka aamusin ee dawanka xaqa yeedhino marwalba, una diyaar garayno dadkayaga waxan dalka iyo dadka ragaadka ka dhigey sidii looga bixi lahaa iyo qorshihii siyaasadeed ee lagaga bixi lahaaba .


Isbadelada siyaasada ee wanaagsani kaliya akhriste waxa ay ku xidhan yihiin in aad indhaha aad ku eegayso nidaamka dalku ay noqdaan qaar wadaniyadeed , dadnimo , Alle ka cabsi iyo waliba adiga oo eegaya mustaqbalka dambe ee dalku halka uu ku dambeyn doono marka aad ka qiyaas qaadato maanta iyo sida uu dalka iyo dadkuba yihiin ee ay inaga maqan tahay hilaadinta mustaqbalka dambe iyo in ayno yeelano himilo fog oo uu dalkeenu noqdo mid aduunka oo dhan tusaale wanaagsan u noqda.


Waan gaadhi karnaa , haa waa run waan gaadhi karnaa halkaasi .



Hogaamiye Dhimbiil
Xisbiga Dadweynaha Somaliland
Tell: +252634429221


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...