Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Baaq Ku Saabsan Doorashada Oo Ka Soo Baxay Golaha Wasiirada
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay baaq ka soo baxay golaha wasiirada oo ku saabsanaa arimaha doorashada.
War ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyey baaqa golaha wasiirada, waxaanu warka Villa Soomaaliya u dhignaa sidan:-

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walbaawoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.
DHAMMAAD


0 





