Daayeer Ayaa Cadaalad Darro Iyo Sinaan La Aan Diiday .

0
Monday April 15, 2019 - 16:50:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daayeer Ayaa Cadaalad Darro Iyo Sinaan La Aan Diiday .

    Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER , inaanu DAAYEERKU ogolaan in CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN lagu sameeyo , oo aanu aqbalin , haddii lagula dhaqmo .

Culimadu waxay u fiisadeen iyaga oo DAAYEER yar oo qafis ku jira , waxay ka codsadeen inuu dhagxanta yar yar ee qafiskiisa taalla uu u soo dhiibo xabbad xabbad , kolka uu marba mid soo dhiibona , waxa abaal marin loo siinaayey xabbad yar oo khiyaar ah , isna si deg deg ah ayuu u cunaayey , si uu mid kale u helo , aadna shaqadaa wuu ugu faraxsanaa .

Hadaba waxa la arkey DAAYEERKII kale ee yaraa ee qafiska ku xigey ku jiey , oo aad iyo aad u cadheysan , marka uu arko iyada oo khiyaar la siinaayo , kii la jaarka ahaa , si xunna wuu u eegaayey , indhahana aad buu ugu gubaayey .

DAAYEERKII yaraa intuu qafiskii gilgiley , ayuu jebiyey , kabacdina khiyaarkii buu boobey , meel halkaas ah , intuu la tegey ayuu ka dhergey .

Markaasaa waxa la ogaadey , in aanu DAAYEERKU qaadan in lagula kaco CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN TOONNA .

Hadaba xukuumadda kulmiye waxa ay wado , maaha wax laqaadan karo , (CADAALAD DARADA - SINAAN LA AANTA - SHARCI KU TUMASHADA -MUSUQMAASUQA- QABYAALADDA ) iyo wax yaabe kale oo badan .

Hadaba sida ay maanta u ogolaatey in shirkii GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA la qabto ( si kasta oo ay istidhi ku jooji , way joojin kari waydey ) , arimaha kale ee ay xukuumaddu diidan tahayna , way ogolaan doontaa , ee arintan wax haku qaadato , waxna ha ka barato .

MA WAXA UU DAAYEERKU DIIDEY BAYNU QAADANAA ?

CALI MAXAMED BIIXI [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...