Gudoomiye Tiimbaro Oo Soo Bandhigay Faraqa U Dhaxeeya Gobolada Awdal Iyo Sanaag
Hargeysa(HWN):-Badhasaabka cusub ee gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa ka hadlay faraqa u dhaxeeya gobolkii laga soo badalay ee Sanaag iyo gobolka uu hada ka hawl gali doono.

Gudoomiye Tiimbaro oo ka hadlayey munaasibad uu kula wareegayey xilka gobolka Awdal ayaa cadeeyey waxyaabaha ay isdheer yihiin labada gobo lee Sanaag iyo Awdal.
Gudoomiye Tiimbaro oo ka hadlaya gobolka Awdal ayaa waxa uu yidhi "Gobolka Awdal waa gobolka aan isleeyahay yaa dadkiisa intuu qaado ku saydha bariga dalka wax badan ayey ku kordhin lahaayeene”
Gudoomiye Tiimbaro oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay faraqa u dhaxeeya Sanaag iyo Awdal "Maalintii iigu dambaysay gobolka Sanaag waxaan ugu maah maahay qoladayada galbeedka, reer Saylac odaygu xataa haduu islaantiisa la dagaalamo cumaamada ayuu ku dhuftaa dabadeedna wuxuu yidhaa maanta islaantii ayaan ku xayraamoo cumaamadii ayaan ku nacalaqashay idinkuna reer Sanaagow ilaa islaanta xabad ayaad ku dhufataan intaynu isku jirnaa waa kaaf iyo kala dheeri.”
Sidoo kale gudoomiye Tiimbaro ayaa ka hadlay sababaha keenay caqabadaha dhinaca amniga ee ka jira gobolka Sanaag "Waynu u ducaynaynaa waa gobolka dad wanaagsan oo khayraad badan laakiin waxaad is odhanaysaa intii waxgaradka ahayd, intii wax u baratay iyo intii aqoonta lahayd way iskaga yimaadeen oo galbeed ayey yimaadeen, markaana waxa iskugu hadhay in aqoontoodu hoosayso oo waataas maanta garanaysa aarso uun, waxaynu ugu ducaynaynaa khayr badan waana gobolkii aynu dhamaanteen ka soo jeedno.”


0 





