Madaxweyne Farmaajo OO Bilad Sharaf Ku Taxay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada

0
Thursday July 09, 2020 - 15:24:54 in News by
  • Visits: 2253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo OO Bilad Sharaf Ku Taxay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada

    Madaxweyne Farmaajo OO Bilad Sharaf Ku Taxay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo OO Bilad Sharaf Ku Taxay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada


Muqdisho(HWNMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Image may contain: 4 people, people standing and suit


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna.


Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.


Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro kale oo ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 4 people, people standing
Image may contain: 1 person, suit
Image may contain: 4 people, people standing and wedding

Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 3 people, people sitting, hat and outdoor
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

DHAMMAAD

Loading...
Loading...