Waa Kuma Bilyaneerka Deegaamada Soomaalida?!.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Bini Aadamka Qofba Meel Ayuu Allaah(Swt) Maal Qabeen Uga Dhigay, Qof
Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Diinta Islaamka Ku Dhaqankeeda, Faafinteeda,
Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Ubad Badan, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku
Yahay Caafimaad Iyo Cimri Barako Leh, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay
Shaqo Aanu Weligii Waayin, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Inuu Yahay
Qalbi Wanaagsan Oo Maintuu Wax Helo Iyo Maalintuu Wax Waayo iimaankiisu
Aanu Is Bedelayn, Wejigiisana Aan Laga Dareemayn Murugo, Tiiraanyo,
Welwel Iyo Walbahaar. Isku Soo Wada Duuboo Maal Qabeenku Waa
Hibo Allaah(Swt) Bixiyo.
Maal Qabeenka Maalkuna Waa Hibo Allaah(Swt) Bixiyo, Waxayna Ku Timaadaa Xalaal Miirad, Tacab, Dadaal
Iyo Talo Saarasho Allaah(Swt), Maalqabeenkuna Haddii Aanu Iska ILaalin
Xakha Iyo Xuquuqda Ay Shaqaalihiisu Ku Leeyihiin, Oo Uu Noqdo Maalqabeen
Ku Tunta Shaqaalaha Oo Soo Kala Dhowaysta, Mushaharkana Aanay U Sinayn
Shaqaalaha Mushahar Kordhinta Sanadkasta La Sameeyo, Allaah(Swt) Wuxuu
Ka Qaadaa Maalqabeenkaas Barakada Maalkiisa, Oo Wuxuu Noqdaa Maalqabeen
Ay Ku Dhacdo Cuqubada Shaqaalihiisa Uu Soo Kala Dhowaysanayo, Waxaanu
Noloshiisa Ku Dhamaystaa Xanuuno, Daal, Cabsi, Werwer, Baqdin, Wuxuuna
Noqdaa Maalqabeen Sanadba Sanadka Ka Dambeeya Maalkiisa La Dhaco,
Maraakiib Ganacsi U Sida Oo Badwaynta Ku Dega.
Maalqabeenka Nadiifta Ahi Waa Maalqabeenka Aan Soo Kala Dhowaysan
Shaqaalihiisa, Balse Uu Ku Soo Kala Dhowaysto Dhinaca Cibaadada,
Amaanada, Daacada, Dabeecadda, Furfurnaanta, Shaqo Wanaaga, Maalqabeena
Nadiifta Ahi Aad Iyo Aad Ayey Ugu Yar Yihiin Deegaamada Soomaalida Sida
Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda
Soomaaliya, Kililka Shanaad, Soomaalida Waqooyi Bari Kenya.
Deegaamada Soomaalida Maalqabeenka Koowaad Ee Loo Shaqayn Karaa Waa
Maalqabeenka La Yidhaahdo Muxammad Saciid Ducaale(Dahabshiil) Oo
Daraasad La Sameeyey Lagu Iclaamiyay Inuu Yahay Maalqabeenka Deegaamada
Soomaalida.
Dahabshiil Wuxuu Ka Dhaqaale Batay Maalqabeeno Badan Oo Maalqabeeno Ahaa 1960 ILaa 2019, Oo Maalqabeenadaasi
Badankoodii Ay Geeriyoodeen, Qaarkoodna Ay Maalkoodii Uu Shaqeeyo,
Qaarkoodna Aanay Calfan Ubad Wanaagsan Oo Maalka Sii Dhaqa.
Xabsiyadda Itoobiya Sida Loo Galaa Way Fududahay, Sida Looga Baxaana
Way Adag Tahay, Companiga Dahabshiil Sida Shaqo Looga Helaa Way Adag
Tahay, Haddii Shaqo Laga Helana Sida Looga Baxaa Way Adag Tahay,
Maalqabeenka Bilyaneerka Ah Ee Dahabshiil Deegaamada Soomaalida Iyo Xarumaha Wadamadda Kale Ee Caalamka Qof Nasiib Wanaagsan Leh Ayaa
Hela, Qofka Galaana Wuxuu Noqdaa Qof Mustaqbal Wanaagsan Leh, Waxaana
Lagu Soo Dhoweeyaa Talooyin Wanaagsan Oo Lagu Gubaabinayo Inuu Baloodh
Ama Jago Soo Baayacdo, Si Jagada Loogu iibiyo, Dhismo Wanaagsana Loogu
Dhiso, Guri Qurux Badan Oo Shan Qol Ah Oo Darbigii Ku Wareegsan Yahay,
Guriga La Amaahiyay Bilkasta Lacag Ayaa Laga Jarayaa, Shaqaalaha
Badankooduna Waxay Ku Wada Jiraan Hagbad Qofkastaaba Ugu Yaraan 200
Dollar Dhiganayo, Toban Qof Markaad Tihiin Bishii Waxaad Qaadanaysaa
2000 Dollar, Laba Kun Oo Dollar.
Bilyaneer Inuu Noqdo Dahabshiil Waxaa Halkaas Gaadhsiiyey Markuu Ka
Soo Baxay Xuquuqda Shaqaalihiisa, Iyo Nolosha Wanaagsan Ee Ay Ku Nool
Yihiin, Shacabwaynuhu Markay Arkaan Shaqaalaha Dahabshiil Group Company
Nimcada Iyo Barwaaqada Ka Muuqata, Shacabwaynuhu Waxay U Duceeyaan
Maalqabeenka, Allaah(Swt) Qof Wanaagsan Oo Xalaal Miirada, Oo
Shaqaalihiisa U Wanaagsan Oo
Muslimiintu U Ducaynayso Wuxuu U Barakeeyaa Cimrigiisa, Maalkiisa, Ubadkiisa Iyo Xaasaskiisa.
Insha Allaah Maalqabeen Xaaji Muxammad Saciid Ducaale(Dahabshiil)
Labaatanka Sano Ee Soo Socda Wuxuu Noqonayaa Bilyaneerka Koowaad Ee
Qaaradda Afrika.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...