War Degdeg ah: Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo CID Looga Yeedhay.
Hargaysa (HWN) Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani Dr. Axmed Cabdilaahi Cige ayaa maanta looga yeedhay xarunta dambi baadhista Hargaysa.
Yeedhitaankan maanta loo yeedhay Xoghayaha ayaa daba socotay kadib markii uu wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland uu dacwad ka gudbiyay xoghayaha, Sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta la hadlay.
Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee xisbiga Waddani oo isagu ka hadlay yeedhitaanka CID ayaa sheegay in xisbiga Waddani aanay aamusiin karin CID-du.
Xoghayaha arimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan laga aamusayn dhaliisha wasiirka xanaanada xoolaha "Siciid hadaanu dhaliisha shaqada wasaarada xanaanada xoolaha xamilayn gurigiisa ha iskaga cibaadaysto” ayuu yidhi.
Waxaanu xoghayuhu sheegay inaan xarunta CID aanay uyeedhi karin masuuliyiinta mucaaradka, bulshadana ay dhex uyihiin.
Todobaadkan aynu ku jirno ayuu xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani dhaliilo ujeediyay wasaarada xanaanada Xoolaha.


0 





