Wasiir Fowziya Oo Shaacisay Guud Ahaan Kiisaska Covid-19 Ee Somaliya Iyo Inta Udhimatay

0
Thursday July 09, 2020 - 09:33:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fowziya Oo Shaacisay Guud Ahaan Kiisaska Covid-19 Ee Somaliya Iyo Inta Udhimatay

    "taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,147"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,147"

Muqdisho (HWN) Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 51 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,147.




Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 13 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Banaadir 7 Puntland 4 iyo Somaliland 2 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,028.


Bukaannada cusub 9 ka mid ah waa rag 4-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

 


Loading...
Loading...