Ma-kii Diifta Ku Badaad Weli Daba Ordaysaan ( Abdi-shotaly)?

0
Monday April 15, 2019 - 16:07:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma-kii Diifta Ku Badaad Weli Daba Ordaysaan ( Abdi-shotaly)?

    Wuxu yidhi Qaasim (IHUN), Kowddii habeenimo, xalaan kacay alayl-kiiye, markaas baankitaabkii akhriyey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxu yidhi Qaasim (IHUN), Kowddii habeenimo, xalaan kacay alayl-kiiye, markaas baankitaabkii akhriyey, kaahinka ahaaye, kowle baa u baxay, raggii koray daruuraaye,mid kalkii dhamaadaan arkaa, oo taagan kodadiiye. Waxan u soo qaatay intan yar, ee Abwaan Qaasin ku jirtey tixdiisii " Kowle", waxan saaka arkaa dayaxii oo ka foorar-saday askartii tuugta ahayd, iyaddii baa afka boodhka isu soo marsatay, bal waxa la yaab ah, Reerka Cibraan oo cabanaaya, oo leh wax saamiya nalakama siinin Kulmiye iyo tan toona saw maaha " Cuurado loo soo galyoo, kaygiina kab baa ka halawday. waxan leeyahay, marka aadinku ka cabataan maamulkii Siilaanyo, Bal cidda wax ku qabtay noo sheega?

(a) Ninkii aduunka iibiyey ee Baashe Moorgan yuu ahaa? Waa jawaab la idinka sugayaa cidda uu yahay.

(b) Sir-doonkii Siilaanyo Yuu ahaa miyaanu Cibraan ahayn? ma beel akle buu noqday? iyana waa su'aal kale oo ay tahay in aad ka jawaab-taan.

(3) Saleebaan Jaamac guuleed, oo uu dhalay Caaqilka Jaamac guuleed ee Cibraan, miyaanu isna ahayn reerka, miyan neer maanta, waa kii nala deganaa Magaaladan Manchester ee UK. waa ninkii ahaa Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, markii uu jano ka bood haystay,, markii dambe-na loo bedelay, agaasimaha Caafimaadka, bal is waydiiya, oo muxuu amrkii hore haystay, maanta-se saw milyan-neer maaha. haddii aad askartan saluugteen, ha noqonina bisatul nikaarad, hantiddii ugu bdanayd ee laga dhaco ummadu waxay ku maqan tahay Beesha'e. rag baan weli qamaamoo, buuraha qotodda dheer, ka arkaaya qiiqoo, qar ka soo jafaayee. qaylo dhaanta bilaashka ah joojiya.

Muwaadin sidaas oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo maaweello lala taagan yahay suuqyadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor dhigo,oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin "sir ma qabe allay sahal" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato mucaaridka, wax waliba sidda aad doonayso bay u dhacaysaa, haddii-se maanlin kaste kaadhka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta ( oo hadda aan jirin-ba), ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badheedheen, ee reer hebel laguula dagaalamaayo, hadana la isugu kaa qarinaayo Somaliland baad wax yeelaysaa.


Intaa ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo dhawaadda in yar oo saaka igu dhalatay:-

Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,
Ka-daraad dugsnaysaa, dirigaad hambuudhiyo,
Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,
Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,
Kuu dareershay subax qudha, daad raacdda kugu wadhay,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),
Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,
Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,
Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaa,
Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,
Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,
Ku dikaday libtaaddii iyo doogta kugu taal,
Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,
Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,
Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madaxdda ah,
Kuli loogu daw galay, dantoo-duun karaacdee,
Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,
Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Digtoonaadda shicib-yahayaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),
Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,
Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,
Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,
Maanta dib ugu noqon,delde-laaddii waaggii,
Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa soomalidu u tidhi, " Durbaan adigu garaaco, ama mid ku xigaa ha kuu garaaco", shaqadda uu askarigu ku shaqeeyaa waa taas, oo aan biyo is marin. Saaka oo oo ay taariikh-du tahay 06/03/2019, waxa maxagamadda asakrigu reer-hebel u xidhay, saddex nin oo aan waba geysan, oo lagu eedaynaayo, inaadeerkii oo yidhi wax-bay iga googooyeen, oo lagu xukumay nin bay u xidhan yihiin, weli sheeko iyo shaahid miyada ku maqasheen, shicib shicib u xidhan, oo reer hebel weeye loo haysto, askar biidhi qaata ah, oo kaa kaybalka lihi oo ay is xixgaan askarigga ( Raggii ma adigaa ka hadhay), kii lahaa weeye, Goboladda bari nin aqoon lihi kama kicin, baa askariga laf-tiisa amar siiya. kuwan booliis ku sheega ahnina, waa dhuuni raacyo, lagu masruufo, kolba inta uu reer hebel ka soo xidho, iyo been uu u soo macmalo, sharci meesha ma yaalo.

N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!

Abdi-shotaly,


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...