Maanso. Farbaa Godan

0
Wednesday July 08, 2020 - 10:05:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso. Farbaa Godan

    Maanso . farbaa godan 7 / 7 / 2020 Keene iyo kordhiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanso . farbaa godan 7 / 7 / 2020 Keene iyo kordhiye

Keene.waaryaa kordhiye saaxiib waxa aad ka warrantaa

Heshiiskan is dhexgalka wax laleeyay hordhacii israaca weeye

Bal ka waran.

Kordhiye. Saaxiib arinkaa waxbaa ka jira waa heshiis qarsoodi ahaa

Dabeed loogu tala galay marka la kala tago in shacabka S/Laan

Si farsamaysan loo dhexgeeyo waxaana ka shaqeeyay

ISMAACIILKA jabuuti oo oday muuse la xidida

Kharashkii doorashadana jabuuti laga maal geliyay immikana

Loogu balanqaaday inuu weligiiba ahaado  m/weynaha maamul

Goboleed  heegadii-saasina hantida la wreegto ciidamadana

Faamligiisu u hayo cid kalena aanay madax sare ka noqonin

Waa riwaayada loo soo akhriyay laakiin qaar ina yaqaana maaha.

Immikana waa afreydii.

Maansad . farbaa godan

Farbaa godan falaadhbaa qarsoon

Foolxumaa dhaqantay

Fajac iyo layaab baa ka yimi

Foran galbeed kaasa

Waa fariimo kala jaada iyo

Nacaska feedhkiiye

Faqashbaa ka talisiyo ragaan

Wada fayoobayne

Ufasaxe xadkeenooy furtaan

Faash lihii hora,e

Furfurkiina qaar baahiyaa

Soo faruur xidhane

.

Dhexgalkaa laguu faafiyiyo

Belo kaloo fuursan

Waa farsamo in boobkii labaad

Foolad uu yahaye

Fadhigaa kakaca shacab yahaw

Waa la faasaxaye

Fadhigaa ka kaca shacab yahaw

Feenad yaad noqone

Fadhigaa ka kaca yaan sidii

Haadu kuu fagane

.

Fadhigaa ka kaca yey baahanbaa

Soo faruur xidhane

Fadhigaa ka kaca yaad ku dhicin

Qaw laguu furaye

Fadhigaa ka kaca waa runtood

Fahan israaceede

Fadhigaa ka kaca waa bilaw

Faaladaa timiye

.

Fadka iyo daruur hooranbay

Kaa firdhina yaane

Fadhigaa ka kaca yaad markale

Qaxa ufeydnaane

Fadhigaa ka kaca manta waa

Faani karaysaane

Fadhigaa ka kaca yaad ahaan

Xoola foorara,e

Fashil weeye xeebtaa galbeed

Foox ay shidayaane

Fadhigaa ka kaca oomar qudha

May usoo feyta

Farsamadan rag kula doonayana

Muuja ficil jooja

 

( ALLAA MAHADLE )

Guuleed liibaan  [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...