Hambalyo Ayaan Leeyahay Saaxiibkay Mohamed Haji Maxamoud

0
Wednesday July 08, 2020 - 10:01:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Ayaan Leeyahay Saaxiibkay Mohamed Haji Maxamoud

    Hambalyo hambalyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo hambalyo

Hambalyo ayaan leeyahay saaxiibkay Mohamed haji maxamoud oo loo magacaabay Safiirka Somaliland u Fadhiyi doona waddanka Taiwan,in kastoo dadka qaarkood siyaabo khaldan uga dareen celiyeen maga caabista Maxamed Haji anigu taas ma aaminsani.

 

Waa marka kowaad Maxamed xaji waa aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga Siyaasadda iyo dhaqaalaha kana gaadhay illaa PHD,waana shakhsi ku haboon jagagadaas.

 

Waa marka labaad ee anigu xog ogaal ayaan u ahay inuu arrintaas iyo xidhiidhkaas sidii uu u soo furi lahaa uu mashquulsanaa muddo dheer isagoo dabcan la kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland  aakhirkiina uu ka midho dhaliyay,wax badan ayuuna arrintaas ku taamnayay waddamada koonfur bari aasiya ama bariga fog waxanu u doortay oo uu ku doodi jiray marka aanu cilmi baadhista samaynayno waddamadas Siyaasadoodu waa dhex dhexaad oo waa waddamo aynu wax kala iibsan karno.

 

Waxan rajaynayaa in xilkaas laguu igmaday aad uga soo bixi doonto si masuuliyad ku dheehantahay waxa kaloo aynu sugaynaa waddamo hor leh oo furma.ilahayna waxan ka rajaynayaa inuu kugu asturo xilkaas culus.

 

 

Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...