Wax Ha Arkin Oo Ha Maqlin ( Abdi-shotaly) .
Waxa la yidhi " nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" oo micnuhu yahay waxa uu fali doonyo, ama sidda uu u fekeraayo, afcaashiisa oo dhan baad korka ka sii og-tahaye, ee ku tala gal arimahan hoos ku qoran:-
(1) Haw malayn, hana u faddhiyin in somaliland intay sidan tahay meel gaadho.
(2) Doorasho xalaal ah yaan loo fadhiyin inta Labadda Askari isu gees iyo
gafuurayaan Somaliland.
Akhristaw sababaha aan u cuska-nayaa labadan qodob ee sare waxa
weeye:-
(a) Guuritdda oo diyaar u ah, una rixinaysa, oo dabadda u ruxaysa siddii ri orgoonaysa, dabadana u lusha maamulka askarta, una samaysa mudo kordhin mark kaste, ilayn iyadda bay dani ugu jirtaa oo aan sharci ku fadhiyini, imisa iyo labaatan sano bay meesha iska sii fadhidaa, oo ay iska hor keen uun wadaa? Taas oo arimaha lagaga hadlaayo aan dheg u jalaqsiin? Ee xaal-koodu yahay maxaa dani inaka inoogu jirtaa, ee aan ummadan iyo dalkan wax ay u hayaan jirrin, ee iyaku shaambadda isugu dhufta iyo kolba ka ay fadhiyaan, si aanu u kala dirin.
(b) Komishanka oo isagu, kaba soo jeeddda, maamulka iyo inta ku xeeran, madax-diisuna tahay, qaybaha u xagli-naaya, maamulka, ee ay keentay-ba maamulka askariga bilaa maskaxdda ahi.
(c) Golaha xildhi-baanadda oo Iyana lagu yaqaan:-
(1c) In dhuunta loo qooyo, xaal-koodu yahay, " Faro Aan Dufan Lahayni Wax Ma Duugaan", ku shaqeeya, kuna xidhan kolba inta loo dhiibo.
(2c) Iyaka oo u badan, kuwa ku ab-tirsadda xusbiga dalka rogay ee kulmiye, tirana ah 62 Xildhiba-yaal ) Xilkii loo egmaday dhibay), lagu hoogay wixii ay ummadu u xil saartay.
Hadaba muwaadin sidaas oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo maaweello lala taagan yahay suuqyadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor dhigo, oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin " sir ma qabe allay sahal" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato mucaaridka, wax wali-ba sidda aad doonayso bay u dhacaysaa, haddii-se maalin kaste kaadhka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta ( oo hadda aan jirin-ba), ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badhee-dheen, ee uu Somaliya kaaga iibiyey, hadana uu is leeyahay dafir aqoon xumi-diisa, wixii uu kula soo heshiiyey Ka mareexaan ee meesha, ee markuu buuga jaamacadda uu kaga baxay qorey yidhi " Isaaqu waa garac", hadana la isugu kaa qarinaayo Somaliland baad wax yeelaysaa markaa runta ka sheegto.
Intaa aan ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo dhawaadda in yar oo ka hadlaysa halka xaalku marayo, ee Wax midnimo la yidhaaho uu soosaxeexay jaahilkan dhegaha go'ani, ilayn awelba halgan may gelin isaga iyo geenyo shaaximaniye:-
Dalkii kala dareeyaye, horta yaa denbiga
dhigay?
Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,
Ka-daraad dugsnaysaa, dirigaad hambuudhiyo,
Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,
Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,
Kuu dareershay subax qudha,daad raacdda kugu wadhay,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),
Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,
Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,
Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaad,
Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,
Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,
Ku dikaday libtaaddii iyo doogta kugu taal,
Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,
Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,
Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madaxdda ah,
Kuli loogu daw galay, dantoo-duun ka raacdee,
Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,
Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Digtoonaadda shicib-yahayaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),
Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,
Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,
Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,
Maantana dib ugu noqon, delde-laaddii waaggii,
Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa soomalidu u tidhi, " Durbaan adigu garaaco, ama mid ku xigaa ha kuu garaaco", shaqadda uu askarigu ku shaqeeyaa waa taas, oo aan biyo is marin. Maxaa lagu haystaa Dadka la iska xidh-xidhayao, saw maaha ha na sheegin. Hees uu lahaa Cali sugule dun Carbeed ( Ihunn) baa waxa midha-heedda ka mid ahaa " Wax Ha arkin, oo ha maqlin waa Habaar" Arinta meesha taalaa waa taas, oo ah khaladka aanu samayno ma arki kartid, mana maqli kartid, car juuq dheh iyo hanjabo digaag ah anaa ciidan wata. akhristaw waa wadda xoolaa waxan ummadda hor taagani siday u dhan yihiin. Aan kuu saafo halka sartu ka qudhansan tahaye, bal in meesha reer xukumo, waxad maqalay-seen beesha askariga oo War-baahinta ka lahayd rag iyo haween-ba, wiilka dharka xidhay magaca somaliyeed leh, waa in dhagax lagu dilaa, hadana iyaka oo ku garab taagan askariga magnuunka ah, in uu dalka ku wareejiyo Somaliya, su'aashu waxa weeye, Tolaw markee bay sax yihiin? Ma marka leeyihiin wiilka yar dhagax ha lagu dilo? Mise marka askariga ay ilmaadeerka yihiin durbaanka ugu garaacayaan uu ku raadinaayo Somaliweyn? jawaab baa laga rabaa ah, in ay doc isugu baydhaan, oo jooji-yaan kala hadalka ah " Beerka jecliyaa, xaydha jecliyaa. isma raacaane.
* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!
Abdi-shotaly,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!