Garaad Jaamac iyo Siyaasi Baashe Cali oo Ka Hadley Beello Ku Dagaalamay Saaxil Iyo Buuhoodle

0
Tuesday July 07, 2020 - 17:46:23 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Jaamac iyo Siyaasi Baashe Cali oo Ka Hadley Beello Ku Dagaalamay Saaxil Iyo Buuhoodle

    Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo Ka Hadley Dirirta Buuhoodle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo Ka Hadley Dirirta Buuhoodle

Hargeisa(HWN):-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo siyaasi Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa ay ka hadleen beelaha dagaalku ku dhexmaray deegaano ka tirsan magaalada Buuhoodle.


Garaad Jaamac iyo Siyaasi Baashe Cali ayaa beelahaasi ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan colaadaasi. Waxaa ay sheegeen in si dhakhso ah u gaadhayaan deegaanada ay ku dirirayaan beeluhu.


"Illaahay ha u naxariisto intiii ku dhimatay. Sidoo kalenna intii ku dhaawacantay rabbi ha bogsiiyo. Beeyo macaan iyo inta u dhaxaysa Gocon-dhaalle iyo Ceeggaag labadda beellood ee dagaalku ku dhex-maray Tacsi baannu u diraynaa. Runtii xilligan lagu jiro lama filayn in dagaal beelleedyo dhacaan, waase Qaddar oo Illaahay baa qoray. Ceel Af-wayn waad ogtihiin oo Xaajaddeedii meel fiican bay maraysaa, beeyo macaan waannu wada hadlay Sallaadiintii uu ka mid yahay Suldaan Maxamuud Guuleed gacantay ku hayaan, meel fiican bay u maraysaa. Xaggana Ceeggaag iyo Gocon-dhaale Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Cabdisallaan iyo Cuqaal badan iyo Guurti baa shalay u gudbay, innaguna saacaddaha soo socda waannu tagaynaa Xaajaddaasina meel wanaagsan bay maraysaa, waxaan leeyahay Afartaa beellood Nabadda qaata oo Ergooyinka maqla." Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Dhinaca kalenna, waxa isagunna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaan, Baashe Cali Jaamac, waxaannu baaq u diray beelahaas Dirirtu dhex-martay.

"Ballaayo hadba intay taaggan tahay ayaa ugu yar, markaa waxaannu leenahay Afartaas beellood ee qollanna gobolka Saaxil tahay, qoladda kalenna ay Buuhoodle tahay waxaannu leeyahay halla joojiyo Collaada. Waxaannu Tacsi u diraynaa ehellada dadkii ku dhintay Illaahay samir iyo Iimaan ha idinka siiyo, intii ku dhaawacantay rabbi ha u tayo-siirro, waxaann leennahay Collaad wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho." Ayuu yidhi Siyaasiga Baashe Cali Jaamac.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...