Hanka Gooni Isu Taagga Iyo Xaqiiqada!!!

0
Tuesday July 07, 2020 - 14:46:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanka Gooni Isu Taagga Iyo Xaqiiqada!!!

    W/Q: Mukhtar Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtar Mohamed

Haddaba waxa aynu la wada soconaa in ay dawladda Somaliland ee aan wali dunida aqoonsi caalami ah ka helin, ay dawladda Federalka Soomaaliya la furtay wada hadalo ku saabsan sidii ay iyagu u wada hadli lahaayeen, si looga dhaqaaqo halka la taagan yahay loona dhaqaaqo meel ka duwan meesha markaa la joogay oo ahayd jiho aad u kala fog. Marka la joogo Somaliland xukuumaddii ugu horaysay ee ku dhiirata in ay xadhkaha goosato oo ay wada hadal iyo is afgarad la furta dawladda Federalka Soomaaliya waxa ay ahayd xukuumaddii madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyada oo goleyaasha baarlamaanka ka codsatay in loo ogolaado in ay wada hadal la furto dawladda Federalka Soomaaliya oo ay markii hore mamnuuc ahayd in lala fadhiisto madal miis, taas oo aan ahayn siyaasad caqli iyo cilmi toona ku dhisan, taariikhdu markay ahayd 12 October, 2012 kii, shirkii London.

 



Taariikhdaa laga bilaabo waxa sii socday wada hadalada u dhexeeya labada dhinac kuwaas oo mar walba ay kasoo baxaysay natiijooyin aan dhaafsanayn miiska wada hadalada. waayo labada dhinac ba waxa ay taagnaayeen laba qadiyadood oo aad iyo aad u kala fog; Somaliland waxa ay ku doodaysaa "madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa lama taabtaan”, halka ay dawladda Federalka Soomaaliyana ay taagan tahay midnimada Soomaaliya waa "Muqadas”. inkasta oo ay jireen waxyaabo hoose oo ay isla afgaran jireen ay ugu horayso dhaqaale iyo mashaariic qaybsi iyo wada shaqaysasho qarsoon, isla markaana madaxda reer Somaliland ay isku qanciyaan in aanay shacabkooda wax run la yidhaahdo u sheegin, taas beddelkeeda ay mar walba iska dhigaan geesiyaal soo dhiciya guul wayn iyo gobanimo buuxda.

 


Iyada oo madaxdu shacabka tusta kala fogaansho wayn ayaa haddana waxa jiray waxyaabo ay waftiyada ka socda labada dhinac wadaagaan; waxa ay labada dhinac wadaagaan astaamahan; Islaam-nimo, walaal-tinimo, Soomaali-nimo, is garasho iyo wax isku ahaansho baaxad leh waayo Soomaalidu iyada ayaa is kala guraysa ee maaha wax sidaa usii kala fog ama kala durugsan, oo tirada Soomaalida oo dhan baaba lagu qiyaasaa ilaa 20 Million oo qof. mar kasta oo ay labada wafti ee ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya waa dad is garanaaya oo judhaba salaam gacaltooyo oo ixtiraam ka muuqdo isku qaabilaaya sidoo kalena laabta isku wada qabanaaya, habeen iyo maalina aaladaha lagu wada xidhiidho ku wada xidhiidha oo mashaariico iyo dano ka wada sheekaysta.

 


Hadabba meesha ay sartu ka qudhuntay ee aan waxba ogayn waa shacabka Somaliland, oo ay ku adeegtaan siyaasiyiin indhaw garad ah, oo ilaahay kasoo saaray dadka Somaliland, kuwaas oo shacabkana u sheega dhaliil iyo wax aan run ahayn. kaas oo ku salaysan nacayb iyo kala dilista dadka walaalaha ah ee Soomaalida ah, iyaga oo hawada isu marinaaya hadalo deelqaaf ah laakiinse hoosta ka midaysan gaar ahaana kuwaasi waa madaxda matasha shacabka reer Somaliland. Haddii ay waftiyada madaxda ah ee ka kala socda labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ay si dhab ah col u yihiin oo ay ka dhexayso colaad wayn oo ay ku kala go’aan;  waxa ay isku dili lahaayeen madasha shirku ka dhacaayo iyo miiska wada hadalada, waxa ayna isla jiidhi lahaayeen beesha caalamka ee dhexdhexaadinaysa ee iskugu keentay shirka ay ku wada hadlayaan, taas oo ay soo bideen xeerbeegti iyo guurti u garniqi karta.

 


Waxa aynu tusaale u soo qaadanaynaa markii ay kala go’ayeen Suudaan iyo koonfurta Suudaan qayb ka mid ah siyaabihii ay ku kala go’een; in kasta oo ay ahaayeen dad kala diin ah, laakiinse waxa ka dhexaysay colaad wayn oo gaadhay in ay waftiyadoodu isku dilaan madasha iyo miiska wada hadalada ee shirku ka dhacaayo, halkaas na waxa ladqabe iyo guurti ka noqda oo dagaalkaa gacan ka hadalka ah ee labada wafti ku kala guntada beesha caalamka ee markaa madasha dhexdhexaadinta u joogta una garnaqda. haddii ay tan oo kale ka dhexayn lahayd labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya way kala go’i lahaayeen beri hore oo si wacan baa loo dhagaysan lahaa soo jeedintooda kala gedisan. Alle ba iskuma diro’e.

 


 Hadda la soco oo labada wafti waxa ay kala matalaan oo ay muunad u yihiin bulshada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, bal qiyaas haddaba waxa meesha yaal ee la kala guraayo, ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia isaga oo khudbad ka jeedinaayay shirkii dhawaan Soomaalida ku dhex maray dalka Djibouti waa kii lahaa Soomaalidu waa walaalo, waana hal qoys, bal qiyaas alle ayaan kugu dhaarshee hadalkaas qiimihiisa, ujeeddadiisa iyo macnaha wayn ee ku dhex jira. waxa uu intaas ku sii daray ra’iisul wasaaruhu ka tashada aayihiina oo u midooba sidii aad shacabkiina diifta iyo diihaalka qaba ugu horseedi lahayd nabad iyo xasilooni ku salaysan barwaaqo sooran.

 


Bal aynu dib ugu laabano wada hadaladii iyo halka ay wax marayaan; muddo laga joogo 8 sano waxa furnaa xidhiidhka wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya meelin ba meel uu soo maraba. waxa la soo gaadhay sanadkan aynu ku jirno ee 2020 ka. haddii aynu kasoo qabsano sangaabta iyo saldhiga bilawga soo noolaynta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu si dadban uga bilaabmay dalka Ethiopia Caasimaddiisa Addisababa, waxa ay ku beegnayd markii uu ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia marti qaad isku mid ah u fidiyay Somaliland iyo Soomaaliya bishii February ee sanadkan 2020 ga.


 

Shirkaas lama sii shaacin ee kaliyaata bulshadu waxa ay ku war heshay labadii madaxwayne ayaa ku kulmay Addisababa. waxa aana kasoo baxay is af garad ah in madaxwaynaha dawladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) Hargaysa iman doono. in kasta oo hadana markii danbe sidii la doonaayay ay noqon wayday, oo uu baaqday imaatinkii madaxwayne Farmaajo ku iman lahaa magaalada Hargaysa. taas oo ay bedeshay inuu madaxwaynaha Somaliland khudbad sanadeedkiisa ka jeediyo fadhiga labada gole ee baarlamaanka Somaliland. isaga oo madaxwaynuhu sheegay in aanu madaxwaynaha Soomaaliya iman karin Hargaysa.


 

Taa beddelkeeda madaxwaynaha dawladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) markii uu kasoo laabtay waxa uu isaguna khudbad sanadeed ka jeediyay shirka caddaalada ee Soomaaliya; isaga oo khudbadiisana kusoo Qaatay wixii dalka ka dhacay ee ay ka midka ahaayeen dagaaladii Sokeeye iyo wixii soo gaadhay walaalaha reer Somaliland. isaga oo si codsi madaxwayne nimo ah ummadda shacabka reer Somaliland uga dalbanaya cafis dawladnimo oo ku hadlaya afka dawladda Federalka Soomaaliya waxa uu yidhi "walaalayaal ii ogolaada inaan walaalaheena reer Somaliland ku idhaahdo na cafiya waayo waxa la idin ka galay khalad wayn oo uu idin soo gaadhsiiyay nidaamkii dawladnimo ee markaa talinaayay, kuna sii ladhay qabiil idin ma layn, qof na idin ma layn. sidoo kalena waxa ka aqbalay codsigaa madaxwaynaha Somaliland.


 

Sidoo kalena khudbada madaxwaynaha dawladda Federalka Soomaaliya waxa uu codsi kaga dalbaday Jabhadihii waqtigaa dagaalamaayay oo uu magac iyo muuqaal ba kasii nool yahay SNM, laakiinse madaxdii SNM oo uu ugu horeeyo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ma ay bixin codsigaas oo dheg jalaq uma ay siin hadalka ka soo yeedhay madaxwayne Farmaajo, in kasta oo ay haboonayd in ay iyaguna bixiyaan cafiska kana dalbadaan qof kasta oo Soomaaliyeed. laakiinse ma ay dhicin.


 

Haddaba waxa uu waqtigu isa soo guraba oo geediga siyaasadda qaloocani ay soo gabi dhaclaysaba waxa la soo gaadhay 14 June, 2020 ka, taas oo mar kale fool ka fool isku soo hor fadhiisteen Somaliland iyo Soomaaliya. shirkaas oo ahaa shir heerkiisu sareeyo, waayo waxa labada dhinac hor kacaayay labada madaxwayne ee kala matalaayay Somaliland iyo Soomaaliya. sidoo kalena waxa shirka kasoo qayb galay ra’iisul wasaaraha dawladda Ethiopia Dr. Abby Ahmed Ali iyo madaxwaynaha dawladda Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismacil Cumar geelle, oo ahaa shir gudoonka shirka iyo danjireyaasha dawladdaha waawayn ee adduunka iyo ururada sida; midawga Yurub, midawga Africa, IGAD iyo qaar kale oo  badan.


 

Shirkaasi waxa uu socday muddo 4 cisho ah, maalintii ugu horaysay waxa ay ahayd furitaanka shirka oo waxa khudbad laga dhagaystay labada madaxwayne ee kala hoggaaminaayay waftiga labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya. sidoo kalena waxa madasha khudbado maangal ah ka jeediyay labada hoggaamiye ee Ethiopia iyo Djibouti.  iyaga oo diirada saaray muhiimadda ay leedahay midnimada iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku ladhay is dhexgalka gobalka geeska Africa iyo dedaalada socda ee lagu raad goobayo isbeddel muuqda oo degdeg ah oo ka hana qaada dhammaan gobalka.

 


Waxa halkaa ka unkamay guddi heer wasiir ah oo kasoo kala jeedda labaday dhinac, kuwaas oo muddo saddex maalmood ah foodda iskula jiray halkii loo asteeyay inuu shirku ka dhaco. Muddo saddex maalmood ah oo uu shirkaasi socday wax natiijo ah kamay soo bixin guddida labada dhinac. si kastaba ha ahaatee maalinkii koowaad ee shirku furmay waxa casarkii warbaahinta madaxa banaan waraysi siiyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland oday Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo war tebiyeyaasha u sheegay in ay ku kala kaceen shirkii labadii wafti ee ay kala hor kacayeen labada madaxwayne iyada oo aanay wax natiijo ahi kasoo bixin.


 

Mudadii uu shirkaasi socday waxyaabha badka iyo miiska wada hadalka la soo dhigay waxa ka mid ahaa; dawladda Soomaaliya horta ugu horayn ha fuliso qodobadii kasoo baxay shirarkii hore ee 4 ta shir ahaa ee ka kala dhacay London, Turkey, Isu-tagga Imaaraatka iyo Djbouti. isla markaana la dhiso kalsooni wada hadal oo furan, si kastaba ha ahaatee madaxda Somaliland maaha madax si daacad ah dadkeeda ugu soo bandhigta waxyaabaha ay kala soo kulanto shirarka noocan oo kale ah. in kasta oo ay dadka reer Somaliland aad usoo jiidatay khudbada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo aad iyo aad u dheerayd, meelo badan uu ku taabtaabtay.

 


dawladda Somaliland shirarka wada hadalada ay Soomaaliya la galayso waxa ay la tagtaa oo ay caan ku tahay dhuuni qaybsi iyo wax aan dhaamin, laakiinse taa beddelkeeda lama tagto siyaasad hufan oo habaysan oo ay ku doonayaan aqoonsi caalami ah iyo mid ay ku gorgortamayaan. sida  bal aanu idinku soo noqonee maxad noo haysaan qodobo noo cuntama oo aanu ku beddelan karno waxa aanu hadda haysano oo ah nidaam dawladnimo oo dhisan oo dhidibadu u taagan yihiin iyo gorgortan kale oo ka mid ah noocyada heshiis ee nidaamyada wada hadlayaa ku heshiin karaan sida; nidaamka Co-federation, nidaamka midnimada shuruudda leh iyo nidaamka ay ku dhisan yihiin ingiriiska iyo Scotland iyo Wales.

 


Taariikhdu waxa ay dul hoganaysaa 18 June, 2020 ka, waa habeennimo waxa la wada sugayaa waa ku dhawaaqista war murtiyeedkii shirkii socday afarta maalmood. laakiinse nasiib darro waxa warbaahinta la hadlay xubin ka mid ah golaha wasiirada Somaliland kaas oo ka mid ah guddida dhinaca Somaliland ee shirku uga socday magaalada Djibouti. waa wasiir Siciid Sulub Maxamed oo warbaahinta la wadaagay in shirkaas lagu kala kacay oo ay jiraan qodobo la isku mari waayay. isla markaana isagoo wasiirku  hadalkiisa sii wata ayaa la waydiiyay maxay yihiin qodobada ay isku hayaan labada dhinac; waxa uu sheegay in ay qolada Soomaaliya soo bandhigtay in aan la siyaasadayn isu socodka bulshada oo isku duuban, macnihii marka aan leeyahay isku duuban waxa weeyaan; siyaasi, suldaan, fanaan, abwaan, aqoonyahan iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan. taas na Somaliland way diiday ayuu wasiirku hadalka kusoo gunaanaday isaga oo hadalka sii raaciyay waxa ay doonayaan in ay lacag iyo wax noocaas ah nagaga beddeshaan oo aanu gacmaha hoos hoorsano.



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...