Aqoonsiga J. S.land Waxyaabihii Fududeyn Lahaa Eequruxda Qaranka Soo Saari Lahaa Waxa Ay Ragaad Ku Yihiin Gudaheena !!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu mudo sagaal iyo labaatan sano
ah ka madax banaana dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Somalia oo uu 18
May 1991 dib ugala soo laabtay dawladnimadii lagu bahoobay 1 Julg 1960
kii oo laga joogo lixdan sanadood.
Somaliland intaa ay jirtay waxa horumar weyn sameeyey dadka shacabka
ah iyo ganacsiga ganacsatada oo dalka aad u dhisay dhinacwalba ( private
sector ) ka isla markaana sameeyey ganacsiyo waaweyn iyo hal abuuro
kala wada duwan oo dad boqolaal kun ahi ka heleen shaqo kana shaqeystaan
.
Waxa dib u dhac badani ka muuqda maamulka dawladnimo dhinacyo badan
marka aad ka eegto oo ay ugu horeyso jiheynta umada iyo hab fekerkooga ,
shaqo abuurka , adeegyada dawlada ,
horumarka dadka iyo dhismahaba oo aad u liita marka la qoyaaso 29 sanadood , iyo halka la taagan yahay.
horumarka dadka iyo dhismahaba oo aad u liita marka la qoyaaso 29 sanadood , iyo halka la taagan yahay.
Somaliland tobankii sanadood ee ugu horeeyey ayaa waxa ay qabsatay
wax weyn oo macno leh oo ay dawladnimo kow ka tahay , dadka hubeysnaa oo
hubkii laga dhigay , dib u heshiisiin iyo nabadeyn , nidaamkii
dawladnimo oo la yagleelay lagana shaqeysiiyey , waxa la sameeyey axdi
qarameed , waxa la sameeyey, calan , lacag, dastuur, astaan qaran ,
ciidamo qaran , shaqaale qaran waxaana uu dalku soo gaadhay in qofku
codkiisa ku doorto qofka uu doonayo oo ah nidaamka axsaabta badan iyo
ururada siyaasada.
Halkaasi marka laga soo bilaabo walow wax badani qabsoomeen wax
badanina qabyo yahay haddana waxa aad moodaa in aan qaranku gaadhin
filashadii iyo rejadii laga qabay waxyaabaha Somaliland dib u dhigey ee
aanu dhaliilsanahay waxa ka mid ah ;
1- Doorashooyinkii dalka oo xiligoodii lagu qaban kari waayey , isla
markaana yeeshay caado xun oo la yidhaahdo mudo kordhin oo ay golihii
guurtida Somaliland ee la doortay 1997 ilaa 2020 iska fadhiyaan
kuraasida isaga oo xili doorasheedkoodu ahaa lix ( 6 ) sano oo kaliya ,
golihii wakiilada ee la doortay sanadkii 2005 ay iyaguna ilaa 2020 iska
fadhiyaan doorasho la'aan iyada oo mudo xileedkoodu ahaa shan ( 5 ) sano
, sidaasi oo kale ayaa doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo kuwa
madaxweynuhuba u mudo dhaafayeen ilaa markii doorashooyinku dalka ka
bilaabmeen , wax wax lala yaabo ah in aan korodhsiimooyinkaa loo heyn
asbaabo sharci oo ay ku xalaaloobaan sharcina ku noqdaan.
2- Somaliland waxa ay u baahnayd in ay ilaaliso shuruucda iyo
nidaamka xuquuqaha aadamaha oo ay dadkeeda u hor kacdo in ay helaan
waxii uu dastuurka qaranku u damaanad qaadey ee uu leeyahay qofka
muwaadinka ahi , kuwaasi oo isugu jira qaar siyaasadeed,nololeed ,
dhaqameed , diimeed , gancsiyeed , horumareed iwm.
3- Somaliland waxa ay ahayd in ay noqoto dal maamul wanaag iyo daah
furnaan maamul ku hanaqaada oo musuqa iyo madmadawga dulinada dawladaha
dilla meesha ka saara , arinkaasi oo ilaa maanta laga hirgalin kari
laayahay dalka dhinacwalba isaga oo ay u dhisan yihiin intaasi oo
hay'adood oo ku magacaaban shaqooyinkaasi.
4- Xoriyada muwaadiniinta ee rayi dhiibashada iyo cabirada afkaaraha,
naqdinta siyaasada dawlada iyo ta saxaafadeed oo ah qaar aad u liita
isla markaana meel hoose maraya oo aduunkuna marwalba inagu canaanto oo
ay ugu dambaysay tii dawlada maraykanku soo saartay ee warbaahinta dalka
in cabudhinta laga daayo.
5- Ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalkani dhigtay oo aan la
adeegsan ilaa marka ay dawladu ku eryanayso cid ay dan u leedahay
mooyaane, taasi oo meel ka dhac ku ah dadka iyo dalka Jamhuuriyada
Somaliland oo meeqaamkiisana hoos u dhigaysa.
6- Ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland oo
maraysa meel hoose markii hogaanka siyaasada dalku dadka beelo u
qaybiyeen xiligii ay ku tartamayeen doorashooyinka, taasi oo meel ka
dhac ku ah nidaamkii dalku qaatay iyo waxii loo sameeyey ururada
siyaasada iyo axsaabta oo ay ahayd in ay dadka qabiilka iyo qoqobka ka
saaraan oo qaranimo loo guuro.
Lixdaa aan kor ku soo tilmaamay iyo qaar kale oo badan oo tacab iyo
tamar la galiyo ayaa soo saaraya quruxda qaranka Jamhuuriyada Somaliland
aynu qadiyadiisa caalamka kaga iibinayno taasi oo ay Somaliland ku
rabto in uu dalkani noqdo mid ka mid ah qaramada aduunka ee la aqoonsan
yahay.
Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland kuma imanayo alalaas iyo mashxarad
iyo in aad aduunka marba dal ka degto inkasta oo ay muhiim tahay in aad
arjigaaga iyo codkaaga cidwaliba uu gaadho hadana muhiimada ugu weyni
waxa ay taalaa gudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland, aniga oo ogsoon in
Somaliland shuruudaha dalalka lagu aqoonsado in ay buuxisay , haddana
hadii aynu aqoonsi rabno iyo hadii kaleba lixdaa qodob iyo qaar kale oo
badani waa kuwa Somaliland wanaageeda soo saaraya , dadkeeda isku
haynaya , caalamka kalena ina jecleysiinaya.
Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Dhimbiil
Somaliland people's party (S.p.p)
+252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...