Madaxweyne Dani Oo Ka Hadlay Shirka Ka Furmaayo Dhuusamareeb

0
Tuesday July 07, 2020 - 09:00:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Dani Oo Ka Hadlay Shirka Ka Furmaayo Dhuusamareeb

    Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka




Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey Shirka loo muddeeyey 9-ka Luulyo-2020 inuu ka furmo magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo ay isugu tegayaan Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in u jeedada Shirkaasi ay tahay qiimeynta Xaaladda Siyaasadeed dalka, islamarkaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo badbaadin lahaa dalka.

 

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ay caddeysay in Muddo xileedka Madaxda hadda aysan doorasho ku qaban karin oo ay u baahan tahay Muddo 13 bilood.

 

Waxa uu tilmaamay in xalkii Sharciga ahaa ee loogu tala galay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo uu soo xirmay, islamarkaana hadda loo baahan yahay xal Siyaasi ah.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in Madaxda maamul goboleedyadda ay ka wada hadli doonaan sidii loo heli lahaa xal ku aadan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay ayna diyaarin doonaan kulan dhexmara maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda dhexe.


Loading...
Loading...