Lix qodob oo Lafta-gareen banaanka ka dhigi karto kursiga ka hor muddo xileedkiisa!.

0
Tuesday July 07, 2020 - 08:41:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix qodob oo Lafta-gareen banaanka ka dhigi karto kursiga ka hor muddo xileedkiisa!.

    Ma jirin siyaasad iyo qorshe ku saabsan samatabixinta KGS oo uu la yimid xafiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jirin siyaasad iyo qorshe ku saabsan samatabixinta KGS oo uu la yimid xafiiska




Tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay Madaxweynaha maamulka KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed, waxaa ku hor gudbanaa caqabado waaweyn oo u baahnaa in loo maareeyo si xilkasnimo iyo garasho leh, taas oo suuragal ka dhigi kartay in magaaladii dhiigga loogu daadiyay si uu madaxweyne uga noqdo ay noqoto mid nabdoon oo dadku si nabad ah ay ku wada noolaadaan, siyaasiyiintana u noqon kartay cashar ay ka qaataan oo loo amba qaado sidii xal waarra looga gaari lahaa mar haddiiba xilka loo doortay, loona daayo muddo xilkeedka afarta sano ahna si maamulkii ay cabaqadaha ragaadiyeen ula jaanqaado duufaanada farmaajeysan ee ka socda soomaaliya.

 

Ma jirin siyaasad iyo qorshe ku saabsan samatabixinta KGS oo uu la yimid xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen, sida ka muuqata Hab-dhaqankiisa muddadii uu Xafiiskan joogay ee ka badan Sanadka kuma baraarugsano in uu la wareegay magaalo dhiig ku daatay oo dadkeedu ilinta ka socoto, bulshadeeduna ragaadiyeen dhibaatooyin soo jireen ah iyo kuwo ay dhaxal-siiyeen damicii Nabad iyo Nolol ee ahaa ka eryidda maamuladii feker ahaan ka soo horjeeday rajiimka Farmaajo.

 

Yeelkadeede, ninkaan lagu xanto in uu abti u yahay madaxweyne Farmaajo oo meesha loo geeyay fulinta danaha ku gaddaaman Farmaajiisamka ayaa ah mid aan ogeyn in uu yahay shaqsi la doortay, waxeyna dadka falan-qeeya arimaha siyaasadda sheegayaan in suuragal tahay inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa in xafiiska uu faarujinaayoo isagoo fulin danihii Farmaajo shacabkii uu ka dhashayna wax u qaban in uu dhiiggooda daadsho mooyee.

Haddaba; Lixdaan qodob oo laga yaabo in ay ka badan karaan ayaan ku soo koobay.

 

1-Xarigga Roobow:

In dartiis loo xiray Mukhtaar Rooboow, dagaal dhiig ku daadana sababay xariggiisa waa bar madow uu ugu qorantay taariikhda Lafta-gareen, wuxuu ku fashilmay in uu dib u saxo qaladkii ka dhacay kooxdii isaga wadatay, wuxuu sidoo kale fulin waayay ballaanqaadkiisii ahaa in uu siideyn doono Rooboow, taas oo uu meel fagaare ah uga ballan qaaday shacabka, dhaqanka iyo siyaasiyiinta KGS.

Waa dhaawac ay adagtahay in uu daawo u helo, siyaasaddiisa dambana hoos u dhac ku ah, waa sababta uu u dhaafi la'yahay magaalada Beydhabo oo la aaminsanyahay in uu ku heysto kaliya taageerada jufada uu ka dhashay, waana qodobka koobaad oo soo dedejin karo in uu banneeyo kursiga.

2-Masiirka iyo taladii Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu gacanta u galiyay reer Gareen:

Waa arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya in hal qoys ay gacanta u gasho talada maamul dad iyo deegaan ka wada dhexeeya, marka la eego soo xulistii xildhibaannada waxaa laga eegayay oo baadi-goob loogu jiray qof ay dhalyo wadaag yihiiin lafta-gareen, illaha dhaqaalaha iyo xilalka Ciidanka iyo madaxtooyada wuxuu gacanta u galshay reerkiisa, arrintan ayaa hadalheyn iyo kalsooni xumo galisay saamileydii siyaasadeed ee KGS, iyo intii qeybta ka eheed isbadalkii ka dhacay KGS.

 

Waana arrinta labbaad ee sababi karta in lafta-gareen ku wareero maamulka oo uu waayo qof la shaqeeya, garan waayana meesha laga jiro.

 

3- Dhaqankii oo Talada ka fogeeyay:

Tan iyo burburkii waxaa asaas u ahaa Siyaasadda Soomaaliya odayaasha dhaqanka oo door muuqda ka qaatay dowladnimada lagu caano maalayo ee hadda jirta, madaxweyne lafta-gareen oo ka duulaya in siyaasadda ay ku soo biiraan siyaasiyiin leh aragti fog ayuu gacmaha qabtay dhaqanka oo uu soo xushay dad la jaan-qaadi kara isaga, oo noqon kara hormuud ay hagaan wiilal uu reer ahaan u keenay oo howlaha KGS wakiil ugu ah madaxweyne cabdicasiis Lafta-gareen waana arinta keentay in KGS ay dhaqaaqi weyso oo laga waayo wasiir , xildhibaan , oday dhaqan oo u madax-banaan horumarinta iyo ka hadalka aayaha KGS.

 

In kastoo siyaasad ahaan uu madaxweyne lafta gareen u arko wax fiican haddana waa arinta saddexaad ee sababi karta in xilka uu ka cararo sababtoo ah dad aan awood leheyn lama tartami karaan maamulada hadda jira, lamana jaan-qaadi karaan Xukuumadda Nabad iyo Nolol.

 

4- Khilaafka matalayaasha KGS ee heer Federal iyo lafta-gareen:

Latashi la’aanta iyo tixgalin la’aanta xubnaha labbada gole ku matala KGS dowladda Federaalka waxay sababtay in kala shaki iyo kalsooni la’aan ay soo kala dhexgasho madaxweyne lafta-gareen iyo xildhibaanada, wasiirrada iyo Senotor-da ku matalada Federaalka, waana caqabad weyn oo sababtay in talaabo uu qaadi waayo madaxweynaha la geeyay KGS ee Cabdicasiis,waana arrinta afaraad ee sababi karta in kursiga uu faarujiyo ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa.

 

5-Dib-u-heshiisiin:

Waxay ka mid eheyd ballan qaadyadiisii aan fulin ee suuragal ka dhigi lahaa in la helo KGS oo hal dhinac ah, waxeyna ka mid tahay fursadaha uu lumiyay ee sababaya in xafiiska uu ka tago isagoo wata shaati dhiig ka daadanaya , waana qodobka shanaad uu maamulkiisa ka dhaqaaqi waayay.

 

6- Guulwade siyaasadeed:

Waa arrimaha layaabka leh oo laga bartay maamulka madaxweyne lafta-gareen in xilalka loo magacabo dadka ka taageera Baraha Bulshada, ma xumo in taageeraal xilal loo magacaabo oo dhaqan siyaasadeed laga bartay Nabad iyo Nolol, ee waxa arrinta lala yaabay ee hadalheynta dhalis ah in uu wasiirro , agaasimayaal, guddoomiyaal degmo, taliyaal ciidan iyo xildhibaanno ka dhigo rag iyo dumar Baraha Bulshada ka ammaano oo aan laheyn waaya aragnimo siyaasadeed qaarkoodna lagu tilmaamo kuwo aan waxna qorin, waxna aqrin.

 

Akhriste ma kula tahay in maamul intaas xilal ay u hayan oo aan lagu soo xulin aqoon iyo waaya-aragnimo uu tartan la gali karo maamul gobaleedyada kale ee dalka ka jira, hoggaamiyaha maamulkana uu yahay shaqsi ku qanacsan guulwadeynta?, waa hubaal in jawaabtaadu tahay 'Maya'.

Waa qodobka Lixaad oo ku riixi karo in xafiiska uu banneeyo madaxweyne lafta-gareen.

 

Gunnaanad.

 

In kastoo hogaamiyaasha Soomaalida ay dhaliisha u arkaan naceyb iyo mucaaradnimo; haddana waxaan aaminsanahay in madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed 'Lafta-gareen' uu qormadan u arki doono dhaliil wax toosisa oo uu ku howlgali doono wax ka beddalka khaladaadka jira ee aan tilmaamay.

 

Waana aaminsanahay in uu weli heysto fursad uu wax ku sixi karo madaxweyne Cabdicasiis.

W/Q/ Xasan Kaahiye

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...