Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo & Safiirka Shiinuhu Ay Kaga Hadleen Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

0
Monday July 06, 2020 - 19:47:52 in News by
  • Visits: 2649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo & Safiirka Shiinuhu Ay Kaga Hadleen Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

    Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo & Safiirka Shiinuhu Ay Kaga Hadleen Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo & Safiirka Shiinuhu Ay Kaga Hadleen Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian.

Somaliland oo shaacisay xog yaab leh oo la xiriirta heshiiska cusub ee Taiwan


Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay inaysan marnaba Somaliland saameyn ku yeelan doonin kulamada ka dhanka ah ee ay ku howlan tahay dowladda federaalku.


Wasiir Faratoon ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka cusub ee Somaliland la yeelatay Taiwan uusan waxba ka badaleyn kulankaasi ka dhacay Muqdisho, oo si gaara diirada loogu saarayey xiriirka iyo heshiiskaasi cusub.


"Waa wax aan fili karno, labadooda taas ayey ka wada duulayaan, laakiin annaga ma ahan wax na khuseeyo, waxey iyagu ku heshiiyeen iyo waxey ka wada hadleenba lama socono mana ahan wax aan ku raacsanahay oo iyaga ayey danahooda tahay, anaga iyo Taiwan waxaa naga dhaxeeya dano kale,” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamed Faratoon oo la hadlayay idaacadda VOA.


Faratoon ayaa sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dano isku mid ah kala dhaxeeyan, isla markaana ay khuseyn oo waxba yeelayn kulamada dowladda federaalka iyo Shiinaha ee la xiriira heshiiiska cusub ee dhawaan ay kala saxiixdeen.


Heshiiska cusub ee ay dhawaan kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland ayaa abuuray xiisad cusub, maadama ay labada dhinac kala sheeganayaan inay qeyb ka yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha.


Waxaa la fahamsan yahay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya (Qin Jian) iyo madaxweyne Farmaajo ay labaduba ka mideysan iney xad gudub tahay xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara labada maamul.

Loading...
Loading...