Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Safiirka Midawga Yurub

0
Monday July 06, 2020 - 16:12:00 in News by
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Safiirka Midawga Yurub

    Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Safiirka Midawga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Safiirka Midawga Yurub


Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay safiirka midawga yurub u qaabilsan somaliya Nicolas Berlanga.




Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Nicolad Berlanga ayaa looga hadlay arimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta.


Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa hor dhigay Ra’isul Wasaare Kheyre in muhiim tahay in la qabto doorasho loo dhan yahay ayna raali kawada yihiin dhinacyada siyaasada Soomaaliya.


Midowga Yurub ayaa gacan ka geesanaya qabsoomida iyo taageerada doorashada Soomaaliya, waxaana midowga Yurub horey usoo dhaweeyeen labo nuuc doorasho ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.


Doorashada Soomaaliya ayaa loo badinayaa in ay ka dib dhacdo xiligii horey loo qorsheeyay, waxaana siyaasiyiinta mucaardaka shaki badan ka qabaan in mudo kororsi daacsan yihiin Madaxda dowlada hogaamisa.


Loading...
Loading...