Dalalka Ingiriiska, Denmark & Netherland oo Ansixiyey Mashaariic Laga Maalgelinayo SDF.
![]() |
Mashaariicahan oo qeyb ka ah wejiga 2aad ee barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), ayaa qoraalka lagu baahiyey inay kala yihiin.
Dib-u-dhiska Wadada Burco-Sheekh-Berbera ee gobollada Togdheer iyo Saaxil,Maareynta dhinaca beeraha ee gobollada Awdal iyo Maroodijeex:
Taageerida wakaaladda Biyaha Hargeysa ee biyo siinta dadka reer Hargeysa Dhismaha deked/kaabad doonyaha kalluumaysiga ee Maydh ee gobolka Sanaag.
Dhinaca kale, safiirada saddexda dal ee saxeexay maalgelinta mashaariicahan oo ereyo kooban ka jeediyey ayuu Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Somaliland , Ben Fender, wuxuu yidhi.
’
"Boqortooyada Midowday (UK) waxaa ka go’an inay taageerto Somaliland si salka loogu dhigo koboc dhaqaale oo waara. Waxaan ku dhawaaqaynaa maanta (shalay) maalgashi balaadhan oo dhanka kaabayaasha ah oo lagu sameeynayo afar waaxood oo ku baahsan Somaliland.
Danjiraha Denmark ee Soomaaliya iyo Somaliland Mette Knudsen, ayaa tidh.
"Danmark waxay si diiran u soo dhoweynaysaa ansixinta afarta mashruuc ee muhiimka u ah sanduuqa SDF ee Dowladda Somaliland iyo deeq-bixiyeyaasha SDF mudnaanta u arkeen.
Sidoo kale, Safiirka Netherlands ee Soomaaliya iyo Somaliland Frans Makken, oo ka hadlay ayaa yidhi.
"Boqortooyada Netherland way soo dhoweynaysaa xidhiidhka iskaashi iyo wadashaqey ee ay la wadaagaysay Dowladda Somaliland sanado badan; iyo iyada oo loo marayo mashaariicda wejiga 2aad ee sanduuqa SDF2.


0 






