Waa Casaabad Talis Doon Ah ( Abdi-shotaly).

0
Monday July 06, 2020 - 09:28:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Waa Casaabad Talis Doon Ah ( Abdi-shotaly).

    Qore: Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Abdi-Shotaly.



 

 Maanta waxan halkan idiin soo dhigayaa, maanso gaaban oo, ka hadlaysa dalku sidda uu ku sugan yahay iyo kuwa sheegta waxa baanu maamulaa waxa ay yihiin siday u dhaqmaan, waxay smeeyeen oo ah, kala dilka dadka iyo hanti boobka ka socdda, hadana afka boodhka laguu soo marsanaayo, is yeel-yeelka la iskaga kaa dhigaayo daacad, adiga oo og waxa ay hoosta ka malmaluu-qayaan, ugu dambayn marxaladda aynu ku jirno, oo inaka oo nool la ina dhaxal wareejey, beena lagugu dhuraayo, adna aad u rixinayso, inta yar ee ka dheregtay dhiiggii ummadda iyo baaba'a loogu tallo galay, inta inoo soo shaqo tagtay ee dalkii wadda rahmay, intii soo hadhay-na uu askariga qoys-kiisu baloodh-baloodh uga xooga-yaan dan yartii lahayd, yaan idinku badine, ku soo dhawaadda, waa tan maansa-diiye:-

 

Cajiib weeye dunidani, Cishihii yimaadiyo, 

Casarkii ad joogtoba, Waa amuuro cusub iyo,

Cibaarooyin daran iyo, Carcar aad la toostiyo,

Cimilooyin kala daran, Ka Xumaan cabeeyaa,

Ciiradays ku qariyoo, Carqaladuhu sameeyaa,

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Sidda odaygan Caaqa ah, Curcuraddii dhamaadeen,

Cadceediisi hoyatee, ku cadaatay taladii,

Misna caadka saaraan, Coomir gudaha haysitiyo,

Cifriidkaa is gaabshee, Ciladaha abuuriyo ( Ina  Xaashi),

Kan cibaado goyskee, Caasiyey Imaamnimo ( Samaale),

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Kan hantiddii cirkeeniyo, Lacagtii kuwait cunay,

Curinaaya beentee, Cabaad dheere qayshaa,

Carbinaayo belo wade, Isku cariya shicibkoo,

Kii calan ilaashiyo,  Ciidankii la gawracay,

Caynkuu doono yeelee, In cadaalad doorsho,

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Carigeena laga dhigo, Waa calaacal timaliyo,

Dhurwaa hilib cunkii yidhi, Caanahaan ka jecelahay,

Amaan siiyey cuudkii, hadda caalim baan ahay,

Casri hore wax igu tegay, Yaan loo calaacalin,

Iyo adhi dadkii cunay, Caydh-sanaaya aarkii,

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Inta ubad cidladda wadhan, Macaluusha curadadda,

Cadrad gaajo haysiyo,  Ciroolaha wax hayn iyo,

Mujaahidiin caruur-tood, Ay ku ciirtay baahidu,

Cashuurtay lahaayeen, Mid calooshu weyn tahay,

Canka uu ka buuxsaday, Miyaad weli cisaysaan,

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Mid cibaado sheegtoo, Aan Cayna garanayn,

Cashar jirin akhriyayoo, Ceebeeyey ummaddii,

Ciidan qaranku leeyahay, Ku cabsiiya shicibkoo,

Waa mucaarid  cadawoo, Nabaday  cidhiidh-yeen,

Calaamaddaa munaafaqa, ku ceeshaaya baa jira,

 

Waa casaabad talis doon ahiyo, Maamul cuqubaysan,

Colaad Ummadda geliyoo, Cabashana sedkood tahay,

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, ma jiro nin sidaa kula loolami karaa, waayo waa tii la yidhi, wadaad qandi uu ku rito iyo qiil uu ku banaystoba isaga baa leh, waana ta maanta taagan, ee waxa kugu haboon yeel, ama reer hebel aayahaaga ku baabi'i, maalinta aad leedahay, marka ay ku  dhaaftona, sidii caadiga ahayd, ka daba yuus sidda maanta, ay ummadu u baroora-nayso oo kale baa lagu dambayn.

  • N.B Dhurwaa hilib cunkii yidhi, Caanahaan ka jecelahay.  

  • Amaan siiyey cuudkii, hadda caalim baan ahay!
  • Qore: Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...