Idaajaa Iyo Bililiqada Taariikhii Hore: Ma Aadan Galaydh Iyo Boosilaw Ayaa Lahaa Murtida U Sheego
Mise Suldaan Xirsi Ammaan , Iyo Warsame dhakaar Iyo Jaamac Amuume
Idaajaa oo kibirka wuxu ku jecelaaday la aqoon oo mar kaste ninka
kibra qisada magaciisa ku sunta , ama atoor ha qisadaba ka dhiga.
Sida Aadan Galaydh ama Mataan ciideed oo labduba kibir ku dhinteen ,
murtida na ay leeyiin ragay is maandhaafeen. Labada
sheeko ba waxay ahayd in lagu sunto Boos Cawr iyo Nuur Jiir oo ka aarasaday Aadan Galaydh iyo Mataan Ciideed.
Qisadaas Qabaalka ee Boos Cawr ee idaajaa Caan ka dhigay, waxay u
eegtay in sheekadii Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar oo Habar Yoonis
ahaa in Lagu qurxiyey qisadaas Dhulbahante dhex martay. Sheekadaas
Dhulbahante waxa loo bixiyey sheekadii Qabaalka tan Habar Yoonis na waxa
loo bixiyey Haad Qadiye.
Sheekada aarsiga Jaamac Amuume waxay dhacday 1879-1880 oo ay is dileen reer Sugulle dhexdoodu.
Waxa
is dilay laba wiil ay dhaleen , Suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji ,
Ina Guuleed Xaaji ayaa Ku dhintay is dilkii . Waxa magtii waxa isku qabtay suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji .
Guuleed oo nin xikmad badnaa oo maahmaahyo badan maanta Laga dhaxlay sida;
1- ceel biyo leh ma foga, uu ula jeedo wax lagama maarmaan ka ah
waa kugu qasab meel kaste ha jireene. Oo hadii biyo aad waydo oo lagugu
sheego ceel xamar adoo hargaysa joogaa waad ku qasbsntay.
2- naag taad barataaba b'an. Dumar ka mid kaste dhib gaar ah aysy leeday
Guleed baa suldaan Xirsi ku yidhi: "Wiil
laana qaadan maayo tol l'aana ma rabo".
Wuxu ula jeeday wiilkaygii mag l'aan kaga samri maayo, hadaad
diidaana waa dagaal laysku jabo oo tolku ku baabao oo waa ii Tol la'aan.
Suldaan Xirsi Amaan oo kibirsan baa Ku jawaabay ma wiilkaygii oo dhaawac ah ayaad weliba mag bixi ila timi.
Guuleed baa yidhi ' Gaal iyo Muslimba waa Iay maqlayaa . reer sugulle wax kala heli maaye dilmafdiisa kala daaya. "
Xirsi baa yidhi ' waar nimankan indho casta ah yaa yidhaahda waar raga hayga bajinina, walaahi waatay labadeena noqon."
Labadii reer waa dagaalameen, Xirsi ayaa marku laba nin dilay yidhi " Hada ma lays tix galiyey "
Maalin
iyagoo reer sugulle is laayey oo labadii jillib is laayeen ay fiidkii
qolo ka mid ahi labada reer is tidhi wax karsada dabeetana dab ayay
waayeen. Haddaba waxay is weyddiiyeen dab halkee ayaa inoogu dhow oo
aynu ka helnaa?, waxaa markaas raggii nin ka mid ahi yidhi waxa inoogu
dhow kuwii galabta aynu is dilleynnay oo uu ula jeedo qoladii kale ee ay
walaalaha ahaayeen ee ay is laynayeen.
Waxa markaa la go,aansadey in dumar loo diro oo la
yidhaahdo dab na siiya, waxana la yeeley sidii oo dumarkii ayaa loo
direy oo la yidhi inooga soo qaada dab kolley berriba dagaalku wuu sii
soconayaaye.
Markii dumarkii u yimaadeen qoladii ay u socdeen ee
ay yidhaahdeen da ayaanu dooneynnaa, ayaa la weyddiiyey cida ay yihiin?.
Waxay ku jawaabeen ilma hebel iyo Ilma hebel, dabcan oo dad wada
dhashey oo ilmaadeer labaad iyo saddexaad ah oo shayddaan isku
imtixaamey oo wey is wada garanayaane nin wax garad ahaa oo caqli badnaa
ayaa ku yidhi waar dumarka si fiican u ambixiya oo dabka siiya wuxuuna
si qiiro leh u yidhi ogaada reer sugullow (Dad KU XIGA IYO DABTOONA
LAGAMA MAARMO) waxayna noqotey maahmaah.
Markii Xirsi Ammaan kibirkiisa loo taagwaayey ayuu
inankiisii u yeedhay oo wuxuu ku yidhi aabo anigoo 20 Jir ah ayaan
xaydhoobay oo uu ula jeedo waan naaxay (naaxistu immika waa shay xun
caafimaad ahaan , waagaas de xooga iyo shilaysku wuxu ka mid ahaa
waxyaaba lagu faano), wuxuu raaciyey aabo bal xoolaha gurigeenna jooga
eeg, bal waxaynu nimco ku jirno eeg,.
Wuxu
yarkii yidhi maxaad COLAADDA reer tolkay ku faleysaa?. Wuxuu Xirsi
Ammaan ugu jawaabey isagoo warankii kula soo haliilaya, ' aamus war
aamus (Aabihii Wase Ifka laguma ciiline ma uurkii hooyadii ayaa lagu
dili jirey)
Markii labadii reer isku birjabeen waxaa la diley
wiilki caqliga badnaa dabeetana wuxuu isagoo dhaawac ah oo dhulka yaalla
yidhi AABBAHAY U YEEDHA HILIBKAYGA HA CUNEE.
Xirsi
Amaan waxba isna inankiisa kama danbayn waxana dillay nin reerahan laga
tirada badanyahay ahaa oo shiish-wanaag ah , oo Xirsi Amaa malaa la
yidhi dagaalka bar tilmaanso waxa la odhan jirey AADAN-DIIDDANE oo
fallaadhaha leebka timaha madaxiisa ku qaadan jirey xoog intuu ka qabo
darteed.
Xirsi Amaan oo faraskiisii fuushan ayaa wuxu arkay
Aadan Diidane oo shiishka Ku haya, marku hooto dii tuuray u la waayey
ayuu is arkay inu huba taa ka haystay, markaas ayuu is yidhi faraska
jiidhsii Aadan inaanu leebka kula helin , Aadan isago wax yar u jira
ayaa leebkii Xirsi Amaan Ku dhacay faraskiisa ka dhacay.
Waxa la yidhi markii Xirsi Ammaan falaadhi gashay
oo faraskii ka dhacay isagoo dhabarka u jiifa oo naftu ka sii baxayso
ceesaani ka dhex dustey labada xaglood ee addimadiisa (
cidhbaha ayaa dabcan dhulka u yaalley) waayo nin dheer buu ahaa .
Gabadh
ninkeedii lagu dilay dagaalkadaas oo ugu weynaa goobtii Lebi Cawal
ayaa inankeeda ku guubaabinaysa inu aabihii iyo Xirsi Amaan iyo rag kale
ba u aaro. Gabadhaas ma ahayn beesha HY, oo wagaas HY dhexdooda iskmay
guursan jirin oo waa talooyinku kaga tagay suldaan Diiriye bay ka mid
ahayd. Richard Burton baa buugiisii safarkii Seylac ku sheegay in asnay
Habar Yoonis dhexdooda kala guursa oo waxay odhan jireen " guur waa
shisheeye".
Odayaasha qaar baa yidhaahda waxa dagaalkaas iyo dilkii suldaan
Xirsi ka gabayday xaaskiisii Cawrala Ducaale Suldaan Guuleed oo Nuur
Dhagacun walaashi ahayd. Waxay ku gabayday:
Calow gaydha waxa iigu wacan geeridaan qabo'e
Caawaba gelin dhexaadkaan hadba gogosha taabtaaye
Gamas baa ku dhacay aabahaa goraygii dheeraaye
Gacmo jeedlaow Warsamaey gudurii siiyeene
Gaashaan-cade Muxumed bay giringirsheen meele
Mohammed Golaxley dhigeen geedkii Lebi-Cawle
Xirsigi madaxa ahaa waa gawraceen gacal ha waayaane.
Abaanduulaa jilibka Guuleed Xaaji waxa u ahaa nin la odhan jiray
Warsame Dhakaar 3 nin oo walaalo ahaa ayuu goobahaas midkeed ku dilay
oo Jaamac Amuume walaaladii ah , Jaamac waa Jaamac Warsame "
Dhinbiil'" Yuusuf Suldaan Diiriye. Waxa la yidhi Jaamac ayaa la qabtay
, Markii Warsame loo sheegay ayuu yidhi " habartaan goblay caloolaha
haku cuntee sii daaya" .
Jaamac wuxu ahaa 17 jir waanu cod yaraa sidaas darteed ayaa loogu
biixiyey Amuume oo af Somali ahaan loo yaqaan qofka aanu hadalku ka soo
bixin.
Jaamac ayaa warkii gaadhay iyo hadalkii yasida ahaa ee u Warsame
ku yasay inu islaanta wiilashii roona ka laayey Amuume na u reebay .
Markii
la dhex galay oo Guuleed Xaaji iyo Warsame oo baho Sugulle ah mag lagu
xukumay intii dilka dheeraadka ahayd , intii kale duudsi lagu heshiiyey.
Waxa la yidhihaadaa waxa ka mid ahaa ragii gartaas reer Sugulle qaaday
gabayaa , abaandule iyo garyaqaan Kite Fiqi oo Habar Jeclo ahaa. Baho
sugulle ayaa mag lagu xukumay , Warsame ayaa magtii diiday oo yidhi
"geela fulaa hala bixiyo " .
Ina
Xirsi Amaan ayaa marku xaalku halkaas marayo Warsame na diiday magtii.
Ayaa gabay ku tiriyey inaan nabadi jirayn ilaa u aabihii Xirsi ugu aaro
jooga faraskiis . Waxa la yidhi 4 ayuu dilay .
Waxa ninkaas la odhan jiray Bookh Xirsi Amaan , oo waxa dhashay
gabadh Carab ah oo suldaan Xirsi Amaan Bulxaar mar u weeraray magaalada
Carab kii timirta keeni jiray oo maalqabeen ahaa reer Suur ( Cumaan ka
mid ah masnta) ah lagula taliyey si ay u badbaado Bulxaar iyo
ganacsigiisu ba inu suldaan Xirsi siiyo inantiisa Xafsa. Colkaas dooxada
Weehaan Xirsi dhigayna magaalada soo galin.. Sidaas ayuu Carab kii reer
Suur Xasan Al Yaafici , Xasana ku siiyey suldaan Xirsi oo bah Carabo
ayaa la yidhaahda maanta, ayadaa Bookh dhashay oo gabayaa ahaa. Wuxu
Bookh yidhi.
Jidhkii ina Amaan iyo la waa jalanqayaashiiye
Jirid nimaan lahayn baa baqee taydu ii jarane
Hadii nabada jeelkeeda la helo waa anoon jirine
Jill baan ahay haddaan aabahay joogi lagu raadin.
Jaamac oo ka soo jeeda dhanka Suldaan Xirsi Amaan ayaa ku tashaday
ama inu Warsame ka aarsado ama u dagaalka ku dhinto. Mudo ka dib ayaa
duulaan loo diyaar garoobay.
Jaamac oon aqoon Warsame ayaa ragii waaweynaa waydiiyey dagaalka sideen Warsame raga uga gartaa.?
Nin
baa ku yidhi ' hadi nala eryado waa ninka u soo sokeeya , hadii aanu eryanana waa ninka u danbeeya , ninkaas uun eego "
Habeenkii ayaa Jaamac warankiisu iyo laba hooto wadaad asmo ugu
akhriyey kuna yidhi " yaanu siil kaa taaban" Jaamac Aya faraskiisii
Xamar heenseeyey , isla habeenkiina Ba Awal dagaal u gudeen. Dagaalkii
markii laga soo laabtay ayaa Jaamac baa yidhi ninkii Warsame waan dilay.
Markaas bay raggi waaweynaa qosleen oo mid yidhi waar Warsame oo bari
colka ka dhex qawdhamaya baad arki doontaan.
Islaan baa la diray oo reerkii iyo kambal kii warsame soo eegtay.
Waxay soo aragtay reer murugaysan iyo maryo dhiig leh oo geed ku wadhan.
Warkii bay keentay in Warsame dhintay. Oo Jaamac runtii ahayd.
Jaamac wuxu wariyay in faraskiisii dagaalka la galay oo faraskiisii
Warsame ka hadhin oo qoobabka hore Ku suul daaray Warsame na faraskii
la kufay isna warankii ku tumaatiyey.. Warsame oo dhaawac xun gaadhay na
faraskii isku tuuray oo u cararay. Waxa kale ee u gabayga ku sheegayaa
Jaamac inu ka ciil baxay AF xumadii Warsame ku xaqiray.
Markaas ayuu Jaamac oo weligii gabyin ciil gabyayaa wuxu na tirinayaa tixdan cajiibka ah.
1-Col aloosan Xamarow haddii xalay la ugaanshay
2-Heensaha hadddaan kugu itibay goor aleyl dhexe ah
3-Indhaalaha haddaan kuu xidh-xidhay suuman la adkeeyay
4-Isha bari hadii loo kiciyo awrtii reer Sugule
5-Kuwii lays aqoon jiray haddii lagu ogaan duulay
6-Abaanduule Guuleed hadii ubaxa loo gooyay
7-Waa boqor agtiisa'e hadday "ililidii" yeedh'dhay
9-Usha Daba-xidh ooddiyo haddii laysu wada giijay
10-Eebada haddii laysku riday ilig-jartii hooto
11-Abdikayba intii hore hadaan dabo adeegaayay
12-Kolku ina qolyaeedkii sidii aarka nagu qayshay
13-Anigoo aqoon jirin haddii lay ogeysiiyay
14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay
15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo
17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay
18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay.
21-Alxamdu lilaa Eebaw haddaan umalkii qaar reebay.
Colaadaas Xirsi Amaan sababay, wax labada jilib ku dhintay bay
odayaashii noola waaga colaada , jiilkay dhaleen qaarkood soo gaadheen
1980yadii , waxay sheegeen in 101 nin lagu dilay.
Collaadii waxa lagu kala qaatay geel mag ah oo loo bixiyey " HAAD
Qadiye" oo wax la yidhi Nin la odhan jiray Wacays Cabacabaale oo waa
Guuleed Xaaji ku yidhi Wacays oo Geel loo haysto " Hadaan Wacaysaw geela
kaa furto guunimo ma qaadanaysaa " Wacays baa yidhi haa . Marku
reerkiisi gaadhay Wacays ayaa wuxu beeshiisa Ku yidhi " Ninka Guuleed
Xaaji geerina ka dhowra guunimo na la raadiya" waagaan danbe ee geela
magta qolada Guuleed bixisay marku Wacays maqlay ayuu yidhi geelaas waa
Haad-Qaadiye isagoo daba jooga waagi waxa isaga iyo Guuleed dhex maray.
Labada qisadood waxa horsysay tan Jaamac Amuume iyo Warsame
Dhakaar. Oo Xirsi Amaan waxa la dilay 1879 kii, suldaan kii ku xigay na
wuxu ahaa wiilku adeerka u ahaa suldaan Nuur Axmed Amaan oo 1881 la
caleemo saaray waana suldaankki waagi danbe daraawiish abaabulay
maantana qudbigiisu ku yaal Taleex. Saladanada waxa ka lahaa Ismaaciil
Amaan se Ismaaciil isagoon la caleemo saarin ayuu ku dhintay dagaal
ogaadeen.
Dhacdadaas waxay ahayd dhacdo caan ah oo gabayada qaar waxa la
qoray 1889 oo nin Talyaani ah qoray iyo nin Jarmal ah. 1889 kii ayuu
Luigi Robecchi Bricchetti gabayga Jaamac Amuume iyo Bookh ku soo
daabacay majalada Italian geographic society.. Paulitschke, Philipp oo
Austrian ah isna qoray gabayaga gabadhu tirisay iyo dilka Xirsi .1885kii
oo Harar sadariku tagay ayuu sheekada iyo gabayga wax ka taabtay. .
Hadaba in qisada Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar badhkeed lagu qurxiyey tan Boos cawar waxa u daliil ah dhowr arimood.
1- maahmaahda Xirsi inankiisa u adeegsaday " cabanaa ma uurkii
hooyadii baa lagu ciilay. Ama ifka Laguna ciilini ma uurkii hooyadii baa
lagu Dili jiray.
2- Jaamac 3 ay walaalo yihiin uu Warsame dilay weedh xaqiraad ahna
ku yasay Jaamac. Sidoo kale Boos isna walaalkii oo la dilay iyo Aadan
Galaydh oo yasay.
3- Faraska Jaamac gabayga ayuu ku sheegayaa inu u ciidan galay
faraskiisii , Boos se gabay lagama hayo sidu u caawayey faraskiisu oo
isna la yidhaahdo faraskii Aadan Galaydh ayuu qoobabka ku sul daaray
hadal buu ku sheegayaa. Jaamac se waa ka tuducyada Ku sheegayaa amaanta
faraskiisa iyo sidu u booday marku amarka siiyey: waaka leh:
14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay
15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo
17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay
4- arinka yasida oo ay wadaagaan ta Boos inu ka ciil baxay
xaqiraadii Aadan hadal ayuu ku sheegay. Se Jaamac gabayga ayuu ku
sheegay tuduca 20 u fiirso. Oo waaka leh
18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay
21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay.
5- Warsame oo diiday magtii oo yidhi " geela fulaa hala bixiyo " iyo Aadan oo yidhi " geelaan sumayda lahayn mag u qaata".
6- Ina Xirsi Ammaan markii la dilay " aabahay u yeedha hilibkayga
ha cunee" oo ayadana lagu sheegay Ina Aadan Galaydh oo la dilay.
Gabay iyo weedho inta badan nin wixiisa gabay Ku sheegta ayaa runta u dhow.
Idaajaa sheekada Aadan iyo Boos cidiii bartay waxay ku qurxiyeen
qisadii Jaamac Amuume. Weliba arinka maahmaahda Xirsi Amaan iyo faraska
iyo afxumada, intaas Jaamac baa laga biliiliqaystay oo gabayga bay Ku
caday. Xirsi Amaan hadakkiisa iyo wiilkiisii hadalkii ugu danbeeyey ,
odayaasha Isaaq ilaa waagii daraawiish iyo wixii ka danbeeyey sheekada
Xirsi Amaan sidaas aan u sheegay bay u tabbin jireen . Idaajaa oo tan
Qabaalka 1970fii qoray ama duubay labadii sheeko ama isaga Ayaz isku
badhxay labada taariikhdood ama dadkii u tabiyey ayaa isku badhxay
Ninka Idaajaa horta isagu maba xishoodo oo waa nin u nool inu
aduunka daarood baro. Sanadkii hore markay qaar iska litta hargaysa hor
boodayeen isagoo ka jawaabaya eeda Daaroodism ka iyo u qaraabo kiilka
suugaameed oo mar kaste 4.5 ka suugaanta isagu bilaabay 1974kii
reerkiisa siiyo 4 ka somalida kake na .5 u reebo.
Isagoo eedaas iska difaacaya dadki hortooda sheekadii habartii
tidhi Guuleed xaajow gurigaa b'a , ee Guleed kii laftiisi maqlay ayaduna
aqoon ba ilay hadalka ayuun bay maqashay. Guuleed baa Ku yidhi
islaantii ninka Guuleed eed habaaraysay maxuu ku dhimay mise ma taqaan .
Ay Ku jawaabtay ma aqaan ee dadkuba waa lahaa Guuleed xaajow gurigaa
b'a.
Sheekadaas oo cauurta Burco taqaan ayuu Idaajaa Hargaysa sheekadaa
lafteedi uu yidhi habar baa tidhi reer siyaasadaw b'a oo ( reer siyaad
oo mareexaan ah) markii la yidhi reer siyaad maxay ku dhimeen waxay ku
jawaabtay , dee dadkuba waa lahaa.
Wuxu sidaas badheedhka ah dhacdadaas u badalayaa jilibkiisa ,
waxana hor fadhiya qaar u ka mid yahay ninka Shaacir oo caashaq aan dawo
lahayn u qaba Aw Jaamac iyo Idaajaa. Iyo laba nin oo la yidhaahdo midna
Badal oo shaqo laga eryey kaga aarsabayey qoraa Guribarwaaqo iyo wiil
la yidhaahdo Gamadiid oo marna Majeerteen amaana .
Idajaa oo khibrad dheer u leh ilawshiyaa dhaw ee Isaaq wuu filan
waayey sida loo hor boodayey. Wuxu is lahaa goobta waxa iman ragii
yaqaanay nacaybkaaga iyo qabyaladaada.
Markiiba wuxu beer laxwstay baraarkii goobta joogay oo u yidhi
dawladii Afweyne ayaa hargaysa u soo dirtay 1974 inu ururiyo gabayadii
Qawadhan Ducasle iyo Faarax Nuur. Idaajaa abidkii 4 gabay barnaamijkiisa
oo qawdhan leeyey kama sheegin daa suugaan u ururiyee.
Mid u ururiyo daayoo mid nasab cay iyo bahdilaad ah ayuu u alifaa.
Duke Hargaysa yimi 1956 ayaa wuxu yidhi Nin reer hargaysa ah ( Isaaq
macnii ) maanso ku amaanay Ingiriis ka. Kuna gabyey:
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...