Sooyaalka Professor Saleebaan Axmed Guuleed: Qaybta 2aad.

0
Sunday July 05, 2020 - 15:06:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooyaalka Professor Saleebaan Axmed Guuleed: Qaybta 2aad.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr



 

"Ardaydaydii waxa ka mid ah Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland" Walaw uu waraysigu ahaa 2013.. Ardayda Prof Saleebaan waxa ka mid ah...

 

Waxa ay qormadii kowaad inoo joogtay Professor Saleebaan oo loo beddelay. Isaga oo waraysiga inoo sii wada waxa uu yidhi "Waxa aan Lafoole ka noqday bare, kaddibna waxa aan Agaasime madax ka noqday waaxda waxbarashada iyo cilmi-nafsi (department of education and pyshcology), haddana waxa aan ka noqday hormood-ku-xigeen, markii dambena hormood (dean) ayaan ka noqday. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay sannadkii 1975kii, kaddibna waxa aan ku soo sameeyay takhasuskaygii Jaamacadeed, waxaanan dib ugu soo laabtay Jaamacaddii Lafoole oo aan ka hawl-galay”. Aqoonta uu Saleebaan Axmed Guuleed soo bartay ee uu kaga hawl-gelayay Jaamacadaha muddada ka badan afartanka sanno waa cilmiga "educational pyshcology”

 

Professor Saleebaan oo ka warcelinaya su’aal ku saabsanayd inuu ka warramo qaar ka mid ah ardaydii ay wax isku fasalka ahaayeen xilligii uu ardayga ahaa iyo ardaydii uu macallinka ama maamulka u noqday, waxa uu yidhi "way badan yihiin. Kuwii aanu isku fasalka ahayn iyo ardayda aan wax u dhigay waxa hadda Hargeysa ishu ay qaban kartaa ardaydii aan wax u dhigay. Ardaydii aan isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, Ibraahin Shuuriye oo geology-ga jooga iyo kuwo badan oo kale. Intooda badani waxa ay noqdeen qurbe-joog, waxa aan arkayay Cabdi Xuseen Ciise oo isna dhawaan dalka ku soo laabtay. Waxa ka mid ahaa Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Ismaaciil Duse) oo isna jooga laba fasal ayaan u horreeyay.

 

Raggii iyo ardaydii aan macallinka u ahaa way fara-badan yihiin waanay joogaan oo intaa "ustaad” ayaa la yidhaahdaa, waxaana ka mid ah wasiirro iyo masuuliyiin kale. Waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Marxuun Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Professor Ismaaciil Muumin Aar Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare), markaa dadku way badan yihiin kuwo hore iyo kuwo dambeba. Raggii aan hormoodka ugu ahaa Lafoole waxa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda”.

 

Iyada oo aan marna la illaawi karin doorka mahuraannimo ee macallimiinta meel kasta oo ay joogaan, waxa aan qormadan dhextaal uga dhigayaa gabay magaciisu yahay Maan-koriye oo sheegaya kaalinta laf-dhabar ee barayaashu inoogu jiraan.. Soona baxay sannadkii 2006da.

 

Waxa meerisyadeeda ka mid ah:

"Maamuus haddii ruux la siin, magacna loo yeeli

Mansab iyo haddii kaalin sare, midig la saaraayo

Qof u mudan milgayn loo taxoo, lagu mafsuudsiiyo

Inuu yahay midkii macallinaan, muran ka taagnayne

 

Miisaanka wuu weyn yahoo, maragyo loo sheegye

Maskaxdiyo wuxuu daaddahshaa, maanka soo koriye

Malaayiin qof buu soo baxshaa, oo muraayada’e

Barbaartuu halkii midho lehee, uu mankuna buuxo

Geedaha magoolaaya geyn, una miciinaaye

 

Masaggadu waxay quud u tahay, muruqa waaxyaha’e

Aqoontana naftaa maasha oo, lagu macsuumaaye

Cilmi baa ka soo maaxda oo, lagu majeertaaye

Misbaax weeye nuur faafiyoo, ruux ma mooggana e

Madaxdiyo dadkii talo qabtee, xilalka loo meersho

Isagaa duruustii macaan, muudshay goor hore’e”

 

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo aannu weydiinnay xilliga uu ka tegay Jaamacadda Lafoole iyo shaqooyinkii kale ee uu qabtay intii uu joogay magaalada Muqdisho, waxa uu yidhi "Xilliyadii dambe waxa aan Jaamacadda Lafoole ka noqday la-taliye, waxa aan sidoo kale la-taliye u ahaa Haayadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNCHR. Lafoole waxa aan ka tegay xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, walaw aanan xilliyada dambe qaar joogin”

 

Haddaba halkee ayuu u wareegay Professor Saleebaan Axmed Guuleed markii ay dagaaladdu ka bilaabmeen Caasimaddii Soomaaliya? Shaqooyin noocee ayuu qabtay intii aan dib la Jaamacadda Camuud oo ah tii kowaad ee Somaliland laga furo. Isaga oo taas inoo sharxaya Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu yidhi"Markii ay Soomaaliya burburtay waxa aan muddo shan illaa lix sano ah joogay magaalada Addisababa ee waddanka Itoobiya. Kollay anigu siyaasi ma ahayn ee waxa aan ku hawllanaa horumarinta bulshada (community development), inta badanna waxa aan ku lug lahaa Soomaalida Itoobiya aniga iyo Dr Cabdimajiid Xuseen Alle ha u naxariisto’e. Ogowna waxa aan ku dhashay reserved area oo nin laba dal-le ah baan ahay. Sidaas ayaanan wax ula qabanayay.

 

Markii aan halkaa tagnay waxa ay Soomaalida Itoobiya lahaayeen laba iyo toban urur. Waxa aan ku dedaalnay inaan mid keliya iskaga dhigno, waanan midaynnay oo aniga ayaa Guddoomiye u noqday. Hal urur oo la yidhaahdo (Ethopian Somali Democratic League) oo ku shiray Diridhaba"

 

La soco qaybta 3aad idanka Alle.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...