Xildhibaan Obama Oo Tacsi iyo Baaq Nabadeed U Diray Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanka Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil.

0
Sunday July 05, 2020 - 09:41:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Obama Oo Tacsi iyo Baaq Nabadeed U Diray Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanka Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil.

    Mudane Ka-tirsan Gollaha Wakiilada JSL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Ka-tirsan Gollaha Wakiilada JSL.



Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kamida xildhibaanada ugu miisaanka culus mudanayaasha golaha Wakiilada JSL, ayaaBaaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalo ah ee ku eagaalamay Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil, Isagoo sidoo kalena Tacsi u diray Chief-Caaqil Cabdilaahi Cabdi Daray oo ku geeriyooday isagoo ku hawlan xalinta colaadani ka taagan deegaankaasi.



Xildhibaanka, ayaa qoraalka baaqa ah oo shaqaaqadan kaga hadlaayey ku baahiyey bogiisa Facebooga ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: ” Marka hore waxa aan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Chief-Caaqil Cabdilaahi Cabdi Daray oo ku geeriyooday deegaanka Beeyo ee gobolka isaga oo dhex-dhexaadinaya kana gurmanaaya daminta shaqaaqada colaadeed ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex-martay deegaankaasi.


Sidoo kale waxa aan halkan, Baaq nabadeed oo uu ku socda beelaha walaala ee dilalku ku dhexmarayaan Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil.


Anigoo ku hadlaaya Magacayga iyo dhammaan Magaca Xildhibaanada Golaha wakiilada waxaan ku baaqayaa, in si deg deg ah loo joojiyo, dagaalka dhex maraaya, labada beelood ee walaalaha ah, isku degaanka iyo ood wadaagta ah laguna badalo, jawi nabadeed , arinku wuxu noqonayaa , kaa dhimay oo kugu dhimay.Shacabka Somaliland maanta xaalad adag ayuu ku jiraa kama bixi karaan dagaal sokooye oo ka bilaama Gobolka saaxil, danteenu waxay ku jirtaa in aynu amaanka ka wad shaqayno si wada jir ah .


Waxaan mar labaad ku baaqayaa in loo istaago sidi loo joojin lahaa, arrintan waa in ay u kacaan Golayaasha dawladda, Xisbiyada qaranka , cuqaasha, culumada, dhalinyarada, haweenka , dhammaan inta Nabad jecel oo dhan si loo helo jawi nabadeed islaax iyo sulux keeni kara”.



Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Mudane Ka-tirsan Gollaha Wakiilada JSL.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...