Amba Waan Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Hayu Tiirsan Laan-gadhe ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday July 05, 2020 - 08:59:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amba Waan Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Hayu Tiirsan Laan-gadhe ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Riwaayad baa waxa magaceedu ahaa "Xaajo-ba layaab lehe, bal aan qodo xabaalaha"  Dalka Taiwan oo iyadiiba cago la' buu askariggii cuskadaye, bal ila akhriya qisadan hoos ku qoran. Cajabooy-cajiibeey, caqli xumidu waa taas hadba derbi madhan ummadda loo dhiibaayo, ee haan gun la' oo wixii-ba hoosta ka sii daysay, la leeyahay wax baa ku jiree ka caba. Waa waali sideedda ah iyo aqoontii aynu ku naqaanay askariga jaho wareersan, ee siddii shimbir garab la' isku meeraysa-naaya, kolba been cadaan ah iyo huuhaa doonaaya in uu ku wadna gooyo ummadan, uu dul iyo hoos-ba uga dhacay hantiddii dal-kani lahaa. Waxan maal-mahan maqalayaa khiyaaliga uu maamulka " Xaafad-tooyadu" soo derderaayo, oo war-baahinta " Raggii ma adigaa ka hadhay" ay ku dhego-barjeysey shicibkan tooddii u liita, ee bal aan shaaca ka qaado waxa ayaamahan lala waregaayo, ee durbaanka hargii ka qoyey loogu tumaayo, muwaadi-niinta la dagaala-maaya nolol maalmood-kooddii, iyadda oo nin dhergay uu ku dibiro dhacsanaayo, la yaabi-maayo oo hore, baa riwaayaddii " Nin-ba Timo Xamar" ee uu lahaa (Ihun) Meecaad Miigane baa waxa ku jirey hees ka sheekaysa kibirka taas oo ahayd " Waynaan dareemine, dadka kii dhergaw daran, dilaal iyo milaal iyo dibu-socodna waa isaga" waa run ee ku so dhawaadda waxan u leeyahay sidaas.

 

Hadraawi baa maansooyin-kiisii waxa uu inoogu sheegay, nin dhiti-naaya, oo socodku diiq uu ku yahay, bakoorad weyn cuska-naaya, oo isaga oo tiisii u il-daran, uu mid kale oo isna lug keliya oo hoosta nabar kaga yaalo ku boodayaa, iskii aan u talaabsan karini, qumaatina isu taagi karini uu ku sii tiir-saday, ilayn caadi uma socon karo'e, oo adinkii qudha ahaa ee uu lahaa waakan damqanaaya'e, cagtii uu dhulka dhigaayey boogi kaga taalo'e, isaga oo arin-taas ka hadlaya, oo iska dhigaya ka lagu tiir-sady, baa waxa uu inoogu sharaxay ama fasilaaya, Abwaan hadraawi sidatan soo socota, isaga oo in tusaaya in mid-kood-na meel iskii u mari karin, markay is qabsa-daana, ay isla sii hadha-yaan uun, wax kale oo ay isku soo kordhi-nayaan aanay jirin haba-yaraatee, isaga oo amuur-taas inoo sarbee-beeyey baa wuxu yidhi " Amba waan tukubayaa, tiir baan cuskanayaa, haygu tiirsan laan-gadhe"  Ujeed iyo haatan arinta sidaas ah baan idin soo hor dhigayaa, ee iga hooya waa waxa hadda Hargeisa ka tagnn, oo ah sarbeebta ay Hadraawi sawir-keedda muqaalka ka bixinayso'e.

 

 Somalidu waxay ku maah-maah-daa " Laba Qaawani isma qaado! waa dhab waayo wax-ba isu sheegi maayaan, iyakii baa cawra-doodu debedda taalaaye. halka aan uga socdaa waxa weeye, "Dalka Taiwan" oo ah gobol ka mid ah dal weynaha Shiinaha, oo isagii-ba uu 52 sano bilaa aqoonsi ahaa, baan anaka oo somaliland ah na aqoonsa-naysa, saw wax lagu qoslo maaha iyo amuur aan soconayn, taasi waxay ka digan tahay sheeka-daas Hadraawi uu ku tilmaamay " Curyaanka iyo laan-gadhaha isku tiir-saday. Bal maxay soo kordhi-naysaa " Taiwan" iyaddii baa bacaad fadhida uu gorey-gii ka haafaye. aduunka meel laga aqoonsan yahay ma jirto, iyadda oo dawlda buure ah baa hadh cad laga qaaday, oo ka mid ahaan jirtey " Qaramadda Midoobay" baa laga tuurey, oo boos-keeddi la siiyey dalka shiinaha, casriggii uu haystay ninkii la odhan jirey " Mao Stong". maanta oo wakhtiga aan sare ku cayimay (52 sano) ay derbiga daba-diisa ka adimayso, wax ay isla haysaana aanay jirin, iyaba waa mid-subxaana laahiye, waxa ay aqoonsi uga taraysaa  "Raggii ma adiga ka hadhay iyo geenyo shaaximan" idinka baa ii sheegi doona, ugu dambayn waxan idin odhan lahaa haddii aad dhego leedihiin, Kolay askariga uma qudh-qudhsana'e, oo haduun buu wad-kiisii doon-taye, waar yaanu shiinaha indhaha yar-yari idin dul marin. oo ka daaya beenta aad dadka ku dhuray-saan..

* N.B Laba qaawani Isma Qaado"

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...