Dalka Australia Oo Xayiraad Kusoo Rogay Qoysas Ay Soomaali Ku Jirto Iyo Sababta

0
Sunday July 05, 2020 - 08:34:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Australia Oo Xayiraad Kusoo Rogay Qoysas Ay Soomaali Ku Jirto Iyo Sababta

    "Muddo bilooyin ah, Australia ayaa ku rajo weyneyd inay xakameysay cudurka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddo bilooyin ah, Australia ayaa ku rajo weyneyd inay xakameysay cudurka"

Maamulka magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa xayiraad kusoo rogay qoysas ay Soomaali kamid yihiin oo ku nool dabaqyo dhaadheer kadib markii uu halkaa ka dilaacay Fayraska Korona.



Ku dhawaad 3,000 oo qof oo ku nool dabaqyadaasi ayaa loo sheegay inay guryahooda joogaan ugu yaraan shan maalmood oo aanay sinnaba bannaanka ugu bixi karin.


Ugu yaraan 23 kiis oo Fayraska Korona ah ayaa xaafado kamid ah magaaladaasi laga helay maalmihii la soo dhaafay.


Guud ahaan dalka Australia 8,362 qof ayuu ku dhacay cudurka halka 104 qofna ay u dhinteen.

Mas'uulka ugu sarreeya gobolka Victoria oo ay Melbourne caasimadda u tahay, Daniel Andrews, ayaa sheegay in tirada kiisaska cusub ee xanuunka ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka.


Dadka ku nool dabaqyada Flemington iyo Koonfurta Melbourne ayaa la saaray xayiraad adag.

Sida uu sheegay madaxa guriyeynta ee gobolkaasi, Richard Wynn, dabaqyadaasi waxaa ku nool qaar kamid ah dadka ugu nugul magaalada, waxaana loo geyn doonaa cunnada iyo dawada ay u baahan yihiin.


Waxa uu intaa ku daray in qaabka ay u dhisan yihiin dabaqyadaasi ay gacan weyn ka geysan karto faafidda cudurka. Andrews ayaa sheegay in uga yaraan shan maalmood ay u baahan yihiin si loo baaro dhammaan dadka ku nool halkaasi.


Muddo bilooyin ah, Australia ayaa ku rajo weyneyd inay xakameysay cudurka COVID-19, balse waxa ay hadda ka walaacsan tahay faafidda Fayraska ee magaalada Melbourne.


Inkastoo heerka faafidda cudurka uu hadda ka yaryahay kii bishii March, ayaa xilligan dowladda Australia waxay ka cabsi qabtaa in Fayrasku yahay mid bulshada dhexdeeda ku faafaya.


Markii hore, waxaa COVID-19 laga helayay dadka Australia uga imanayay dibedda.

 

BBC

Loading...
Loading...