War Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Safiirka Shiinaha Kala Shiray Xidhiidhka Somaliland La Samaysay Taiwan

0
Saturday July 04, 2020 - 18:35:19 in News by
  • Visits: 3456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Safiirka Shiinaha Kala Shiray Xidhiidhka Somaliland La Samaysay Taiwan

    War Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Safiirka Shiinaha Kala Shiray Xidhiidhka Somaliland La Samaysay Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Safiirka Shiinaha Kala Shiray Xidhiidhka Somaliland La Samaysay Taiwan


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor


Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.


Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Image may contain: one or more people, people sitting, living room, table and indoor

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.


Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.


Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go'antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...