Sooyaalka Professor Saleebaan Axmed Guuleed: Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud (Q1aad)

0
Saturday July 04, 2020 - 16:27:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooyaalka Professor Saleebaan Axmed Guuleed: Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud (Q1aad)

    2013kii ayaan hore u faafiyay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

2013kii ayaan hore u faafiyay!

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee ku taalla magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, oo ah Xaruntii kowaad ee lagu dhigo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa wareysi taariikhi ah kaga warramay sooyaalkiisa nololeed sida gu’gii iyo goobtii uu ku dhashay, dhismahooda qoysnimo sida waalidiinta, guulaha u qabsoomay iyo caqabadaha uu ka gudbay, heerarka waxbarashadiisa iyo abbaaro kale.



Waxaanan xogtan ka qaaday aniga oo markaas ahaa cilmi-baadhe ka tirsan mareegta Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews iyo Akadamiga ERA. Xilliga uu wareysigani dhacay waa Feberwari, 21, 2013kii goobtuna waa hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,.


Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horreyn la weydiiyay sannadka iyo meesha uu ku dhashay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Alxamdullillaahi Rabbil caalamiin. Asalaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin Hadhwanaagnews hawlaha ummadda aad u haysaan iyo hadba wacyiga jira.


Waxa aan ku dhashay dhulkii berigaa la odhan jiray "reserve area” tuulo la yidhaahdo Jaarre oo u dhaw Tulli Guuleed. Halkaa Tulli Guuleed waxa deggenaan jiray awowgay, sannadkiina waxa aan filayaa inuu ahaa 1942kii. Berigaa waxba lama qori jirin, laakiin qiyaas ahaan waxa aan filayaa inay xilliyadaa u dhawayd”


Su’aasha labaad ayaa ahayd "waxa aad noo sheegtaa magaca hooyo iyo carruurta aad walaalaha tihiin?”. Isaga oo taas ka warcelinaya waxa uu Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed yidhi "Carruurta ila dhashay way badan yihiin. Magaca hooyana waa Caasha Cabdulle Xaaji Dalal oo ku dhalatay Awaare, waxa ii abti dad ka soo jeeda nolosha geel-jirka. Dhanka kale waxa aan ku abtirsadaa nolosha beeralayda oo aabbo ayaa ahaa. Carruurtana aanu walaalaha nahay waxa ay ahaayeen kow iyo toban baho kala duwan ah, waxaanay isugu jiraan kuwo nool iyo qaar geeriyooday”.


Weydiin kale oo loo bandhigay ayaa ahayd "waxa aad nooga warranka ubadka aad dhashay iyo magaca ooridaada?” Professor Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu kaga jawaabay "Aniga carruurtaydu waa afar kala ah wiil iyo saddex gabdhood. Wiilka ayaa u weyn magaciisuna waa Cabdiwahaab, saddexda habloodna waa Hodan, Hibo iyo Nimco sidaas ayaanay u kala weyn yihiin. Xaaskayguna waa Safiya Xaaji Abuubakar, waxaana dhalay odaygii caanka ahaa ee nabadda Somaliland wax ka qabtay”


Su’aasha afraad ee uu wareysiguna waxa ay u dhignayd sidan"nooga warran taxanahaagii waxbarasho, gaar ahaan malcaamadaha iyo dugsiyada?”. Isaga oo Macallinku iftiiminaya taxanihiisa aqooneed, waxa uu yidhi "Horta iskuulkii u horreeyay waxa aan ka galay magaalada Aw Barre. Waxa jiray laba dugsi oo ku yaallay reserve area midkood waxa uu ahaa Aw Barre, ka labaadna Awaare ayuu ku yaallay. Markii hore waxa haysatay dawladdii Ingiriiska, markii dambena waxa la wareegtay dawladda Itoobiya.


Dugsigii hoose waxa aan ku dhammaystay Aw Barre, dugsigii dhexena waxa aan ka galay iskuulkii Camuud oo hadda ka tirsan Jaamacadda Camuud. Wakhtiyadaa waxa jiray laba dugsi oo dhexe kuwaad oo kala ahaa Camuud iyo Dugsiga Sheekh. Sannadkaa waxa ku soo kordhay dugsiga Axmed-Gurey oo halkan Hargeysa ku yaallay(maanta la yidhaahdo Mujaahid Quulle Aadan Dool). Xilligaas waxa loogu magac-daray gaal Ingiriis ah oo S Thomson la yidhaahdo. Dugsigii sare waxa aannu galay Camuud oo markaa ahaa Dugsiga sare ee keligii waddanka ka jira, oo aanu bilawnay Bishii Sebtember sannadkii 1959kii. Dugsiga Sheekh markaas waxa lagu tababari jiray macallimiinta.


Laakiin 1960kii iyada oo ay xilligii gobannimada wakhti koobani ka hadhsan yihiin ayaa la furay Dugsiga Sare ee Sheekh. Dhammaan ardaydii iskuullada sare ku jirtayna waxa loo wareejiyay Sheekh. Qoladii tababarka macallimiintana waxa loo soo wareejiyay Camuud. Walaw isla wakhtiyadaa dib loo furay dugsiga sare ee Camuud. Dhanka tacliinta sare, waxa aan tegay dalka Mareykanka sannadkii 1964”.


Isaga oo ka warramaya xilliga iyo meesha uu aqoonta ku bartay waxa uu yidhi "Sannadkii 1964kii ayaa waxa aan tegay Mareykanka, Jaamacadda Empolio State University ayaan ka soo qaatay degree-gii kowaad waanan soo noqday oo toddoba sanno ayaan shaqeeyay. Iskuulkii Sare ee Camuud ayaan ka noqday maamule, maamule ku xigeen iyo macallin dugsi sare. Intaas dabadeed Wasaaraddii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya ayaan ka noqday Agaasmisaha dugsiyada sare iyo farsamadaba. Kaddibna waxa la ii beddelay Jaamacaddii Lafoole oo aan anigu codsaday.......................................

La soco qaybta labaad IA

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...