Ujeedada Dhambaal Hambalyo Ah Oo Somaliland Udirtay Dalka Maraykanka.

0
Saturday July 04, 2020 - 16:15:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Dhambaal Hambalyo Ah Oo Somaliland Udirtay Dalka Maraykanka.

    "Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka"



 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dal-weynaha Maraykanka oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii.

 

 

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabka iyo Dal-weynaha Maraykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan maanta oo ay ku beegan tahay, waxaana xusid mudan in markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu dawladda Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska oo ay labada dal ka xoroobeen wakhtiyo kala duwan, sidaa awgeed dawladda iyo shacbiga Somaliland waa kuwo xasuusan marwalba dalalka ay wadaageen halgan iyo taariikho isu eeg.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Loading...
Loading...