Dalka Ingiriiska Oo Maanta Furaya Goobaha Ganacsiga Oo U Xidhnaa Covid-19
Dalka Ingiriiska ayaa maanta furaya qaar ka mid ah goobaha ganacsiga oo u xirnaa xayiraaddi ka dhalatay fayraska korona, iyada oo dalkaasi ay ugu dhinteen in ka badan 43 kun oo qof.
Goobaha laga qafiifiyey xayiraadaha ayaa waxaa ka mid ah Maqaaxiyaha, Baararka, goobaha is-qurxinta iyo Shineemooyinka, iyadoo tani qayb ka tahay dadaal dawladda Britain dib ugu soo kabayso dhaqaalaha jilbaha u dhigtay saameynta Covid-19.
Dhinaca kale xukuumadda ayaa soo saartay liiska dalalka dadka ka imaanaya aanay gali doonin karantiil ku jihaysan xakameynta fayraska.
Liiskan oo ka kooban 59 dal iyo 14 deegaano maamul ahaan hoos taga boqortooyada UK ayaa waxaa ku jira Giriiga, Spain, Faransiiska iyo Belgium, waxaana talaabadani ay dhaqan galaysaa 10-ka bisha Luuliyo wixii ka dambeeya.
Laakiin socotada ka imaanaysa dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Mareykanka, Sweden iyo Portugal ayaa ka mid ah dadka gali doona 14 maalmood oo karantiil ah.
Dawlada Britain ayaa soo rogtay bishii June tallaabooyin ay ku adkeynayso soo galitaanka dalka si loo xakameeyo faayraska korona iyadoo ay hoos u dhacayaan kiisaska cusub ee cudurka Covid-19.
Ra'isalwaraaraha UK Boris Johnson oo shalay ka hadlayey shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku yaalla Downing Street ayaa farta ku fiiqay in intii ay karantiil galin lahaayeen dhamaan dadka ka imaanaya aduunka oo idil ay iminka gooni u sooc ka dhigi doonaan goobaha uu ku tilmaamay in nasiib xumo aanay ka jirin hannaan lagu xakameynayo fayraska.
Wasiirka arrimaha dibada Portugal Augusto Santos Silva oo la hadlayey BBC-da kana jawaab celiyey go'aanka xukuumada Britain ayaa ku tilmaamay mid macno la'aan ah oo aan caddaalad aheyn".
Mr Silvawuxuu intaasi ku daray: "Waa wax aan macquul aheyn oo UK waxay toddobo jibbaar ka kiisas Covid-19 badan tahay Portugal , marka waxay ila tahay in taasi aanay aheyn habka xulafada iyo saaxabadu iskula dhaqmaan".
Dhinaca kale warsaxaafadeed ay soo saareen shirkadaha duulimaadka ee, EasyJet iyo British Airways ayaa tibaaxay in tallaabada dadka lagu karantiilayo ay tahay mid aan caqli gal aheyn oo dhaawacaysa dhaqaalaha iyo nidaamka duulimaadyada.
Inkastoo go'aankan ay soo saartay dawalda Britain haddana waxaan qayb ka aheyn maamulada Scotland, Wales iyo Ireland-ta Waqooyi, kuwaasi oo ku dhaliilay xukuumada Ra'isalwasaare Johnson go'aankan.
Ra'isawasaare Boris Johnson ayaa
shirkiisa jaraa'id wuxuuu ku sheegay in inkastoo xayiraaduhu ay badbaadiyeen
nolol badan haddana waxyeelo weyn ay u gaysatay dhaqaalaha. isagoo arimahaasi
ka hadlaya wuxuu yiri:
"Waxaan shaki ku jirin xayiraaduhu iney badbaadiyeen boqollaal kun oo qof laakiin hadda waxay saameyn aad u ba'an ku yeesheen habka noolasheenna iyo dhaqaalaheenna iyada oo aan weli xayiraadaha si dhammeystiran loo qaadin, yoolkeenna wuxuu ku dambeyn doonaan inaan dad badan u fasaxno si noolashooda caadiga ah ay dib ugu billaabaan, hab caddaalad ah oo bad qab ah".
Wadamada kale ee liiska karantiilka aan ku jirin ayaa waxaa ka mid ah Australia, Barbados, Hong Kong, Japan, New Zealand iyo Vietnam.
BBC.


0 





