Madaxweyne Qoor Qoor oo la wareegay Hub & Gaadiid Dagaal.

0
Saturday July 04, 2020 - 11:49:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoor Qoor oo la wareegay Hub & Gaadiid Dagaal.

    Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha Galmudug ee ku aadan dhisidda ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha Galmudug ee ku aadan dhisidda ciidamada


Image may contain: 5 people, people standing and suit


Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye "Qoorqoor” Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa la wareegay hub iyo gaadiid ay lahaayeen dadka kunool Balanballe.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha Galmudug ee ku aadan dhisidda ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Galmudug.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xerooyin gaar ah loo dhisi doono Ciidanka laga soo aruuriyay degaanada Galmudug ee horay Maleeshiyaadka u ahaa, islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan degaanada Galmudug aan laga aqbali doonin in ay ku sugnaadaan maleeshiyaad hubeysan loona badali doono Ciidanka Galmudug.

Dhinaca kale arrintaan ayaa kusoo aadeysaa xili uu Madaxweynaha Galmudug wali ku gudajiro Socdaalka Nabadda oo uu kusoo maray deegaano badan oo ka mid ah Galmudug.

Image may contain: 9 people, crowd and outdoor

 

Loading...
Loading...