War Deg Deg Ah:-Khasaare Dhimasho Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Saaxil

0
Friday July 03, 2020 - 19:28:35 in News by
  • Visits: 6812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Khasaare Dhimasho Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Saaxil

    War Deg Deg Ah:-Khasaare Dhimasho Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Saaxil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Khasaare Dhimasho Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Saaxil

Berbera(HWN):-Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil ayaa sheegaya inay jiraan tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaadhay laba beelood oo dagaal ku dhexmaray deegaankaasi.


Warrka ayaa sheegay in dagaal ilaa shalay soo jiitamayey oo deegaanka Biyo Macaan ku dhexmarayey beelaha Habarjeclo iyo Ciise Muuse uu maanta keenay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada beelooda.



Dagaalka Labada beelood ayaa salka kuhaya deegaamaysi cusub oo labad beelood mid kamidi halkaas ka samaysay iyada oo beesha kalena ku doodaysa in dhulkaasi yahay dhul daaqsimeed xooluhu ku foofaan wax deegaamaysi ama magaalayn ahna aan laga samayn karin waana sida ay sheegayaan warar xogogaal ah oo halkaasi naga soo gaadhayaaa sidoo kalena waxa jira aanooyin qabiil oo ka dhashay dagaalo hore labada beelood halkaas ugu dhexmaray.


goob jooge ku sugan Deegaankas Beeyo macaan ayaa sheegay in dhimashada uu sadeex ruux indhihiisa ku arkay halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.


Dagaalka labadan beelood ayaa soo noqnoqday iyada oo hore dabintiisa ay ugu guntadeen Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera oo kaashanaya ciidamada amaanka hase yeeshee hadda ayuu soo laba kacleeyay.


Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com


Loading...
Loading...