War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Fashil Hordhac Ah Kala Kulmay Shirar Siyaasadaysan Oo Uu Boorama Ka Bilaabay
Hargeysa(HWN):-Hogaamiye Muuse Biixi ayaa fashil siyaasadeed oo hordhac ah kala kulmay qorshe la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo uu doonayo in lagu qanciyo shacabka Gobolka Awdal.
Shacabka magaalada Boorama ayaana ka horyimid shir caawa lagu qabanayey magaalada kaas la doonayey in loogu gogol xaadho safar uu Muuse Biixi todobaadkan soo socda ku tagayo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si uu dadweynaha gobolkaas ugu qanciyo in doorashada golaha wakiilada lagu galo saami qaybsigii hore ee la isticmaalay doorashadii 2005.
Warar rasmi ah oo Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa sheegaya in shir ay soo abaabuleen madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali, wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), agaasimaha guud ee tacliinta sare iyo maayarka Boorama oo la doonayey inuu gogol xaadh u noqdo kulamada hogaamiye Muuse Biixi ee Awdal ayaa fashilmay ka dib markii ay dadweynuhu soo xaadiri waayeen kulankaas.
Shacabka Boorama oo markii hore kulankan loogu sheegay mid la xidhiidha mashaariic horumarineed oo lala socodsiinayo ayaa fashilmay ka dib markii uu isku rogay mid siyaasadeed, iyada oo wakiilada Muuse Biixi ay damacsanaayeen in qorshaha saami qaybsiga ee xukuumadu damacsan tahay lala socodsiiyo dadweynaha Boorama.
Dadweynaha boorama oo meel adag ka taagan qadiyada la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ayaa meel adag iska taagay shirarkan siyaasadaysan ee ay boorama ka bilaabeen xubnaha uu soo wakiisha Muuse Biixi kuwaas oo u faaruqiyey hoolashii loogu tala galay in shirku


0 





