Cukuse Oo Ka Hadlay Kulankii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda Ee Arrimaha Doorashooyinka

0
Thursday July 02, 2020 - 18:44:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cukuse Oo Ka Hadlay Kulankii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda Ee Arrimaha Doorashooyinka

    Cabdillaahi Cukuse Oo Ka Hadlay Kulankii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda Ee Arrimaha Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdillaahi Cukuse Oo Ka Hadlay Kulankii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda Ee Arrimaha Doorashooyinka

Hargeisa(HWN):-Shir u socday Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Hoggaanka saddexda Xsbi ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ayaa maanta lagu soo gebogabeeyay Caasimadda Soomaalilaand ee Hargeisa.

Cabdillaahi Cukuse Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ...


kulan oo bilow u ahaa kulamo danbe oo ay isugu imannayaan Hoggaanka sarre ee Xisbiyadda Somaliland iyo Xukuumadda, ayaa lagaga wada-hadli doonnaa sidii loo dhammaystiri lahaa waxyaabaha farsamo ahaan hor taaggan qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ah la taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii kulankaas la isla soo qaadday, waxaannu sheegay innuu kulankani qayb ka yahay dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dhawrka jeer dib u dhacay.

Cabdillaahi Cukuse isagoo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi "Waxa laga shirraayay arrimihii doorashadda uun bay ahayd. Waad ogtihiinnoo waxa dorraad la dhaarriyay labaddii Xubnood ee Koomishanka doorashooyinka ka dhinnaa, markii ay ansixiyeen golaha Wakiilladu, taasoo ahayd waxyaabihii dib u dhaca ku keennaayay qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka" Ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Markaa kol haddii taa laga soo gudbay waxa jiri doonna kulamo dhawr ah oo lagaga hadli doonno qabyo-tirrida waxyaabaha kale farsamo ahaan Doorashooyinka ku xeerran iyo suurto-galnimadda iyo wakhtiga ugu habboon lagu qabto doorashooyinka.

kulankani maaha gebo-gebo ee wuxuu bilow u yahay kulamo danbe oo Xisbiyaddu isugu iman doonnaan, sidaa awgeed ma doonnaayo inaan ka sii hor dhaco" Ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...