Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wiil Ku Labistay Dharka Calanka Soomaaliya Iyo Magaalada Laga Qabtay

0
Thursday July 02, 2020 - 15:58:57 in News by
  • Visits: 2876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wiil Ku Labistay Dharka Calanka Soomaaliya Iyo Magaalada Laga Qabtay

    Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wiil Ku Labistay Dharka Calanka Soomaaliya Iyo Magaalada Laga Qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wiil Ku Labistay Dharka Calanka Soomaaliya Iyo Magaalada Laga Qabtay

Hargeysa(HWN):-Ciidamada booliska ee magaalada Gabiley ayaa xabsiga dhigay wiil dhalinyaroah oo ku labistay dhar buluug ah oo ka samaysan calanka soomaaliya.

Dharka ka samaysan calanka soomaaliya isl markaana ay ku xardhan tahay astaanta dalka soomaaliya ee labada shabeel ee uu xidhay wiilka dhalinyarada ah ee lagu xidhay magaalada Gabiley ayey wararku sheegayaan inuu ku soo beegay wakhti dawlada Muqdisho u dabaal dagayso lixdan guurada ka soo wareegtay xoriyadii ay ka qaadatay talyaaniga.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada booliska ee Gabiley ay xabsiga ku hubsadeen wiilkan oo ku labisan dharka muujinaya calanka soomaaliyada iyada oo aanu jirin dambi kale oo uu faraha kula jiray isla markaana loo taxaabay jeelka markii lagu arkay dharka.

Wiilkan ayey ciidamadu qabteen ka dib markii uu suuqa magaalada Gabiley soo galay isaga oo ku labisan dharka calanka soomaaliya.

Ciidamada booliska somaliland wali kamay hadal xadhiga muwaadinkan loo taxaabay xabsiga Gabiley.

Loading...
Loading...