Jawar Maxamed Iyo 30 Qof Oo Kale Oo Itoobiya Lagu Xidhay

0
Wednesday July 01, 2020 - 11:36:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawar Maxamed Iyo 30 Qof Oo Kale Oo Itoobiya Lagu Xidhay

    "Booliska waxay intaa ku dareen iney qabqabteen dad looga shakiyey iney dilka fannaankaasi ku lug leeyihiin."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Booliska waxay intaa ku dareen iney qabqabteen dad looga shakiyey iney dilka fannaankaasi ku lug leeyihiin."

Dowladda Itoobiya ayaa xidhay dad ka badan 30 qof oo uu ka mid yahay siyaasi mucaarad ah oo caan ka ah dalkaas Jawar Maxamed, kaddib mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhashay dilkii magaalada Addis Ababa loogu geystay fannaan dalkaasi caan ka ahaa oo lagu magacaabo Hachaaluu Hundeesaa.

 

Dowladda ayaa maalintii Talaadada ahayd jartay adeeggi interneet-ka waxayna hawada ka saartay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

 

Booliska Federaalka iyo laamaha caafimaadka ee dalka Itoobiya waxay sheegeen iney rabshado dhex maray booliska iyo mudaharaadayaal in lagu dilay ugu yaraan 7 qof 4 kalana lagu dhaawacay.

 

Booliska waxay intaa ku dareen iney qabqabteen dad looga shakiyey iney dilka fannaankaasi ku lug leeyihiin.

 

Naxashka fannaanka la dilay oo yaallay isbitaalka Pawloos ayaa loo qaaday magaalada Amboo oo uu fannaankaasi ka soo jeeday, waxaa magaalada Addis Ababa ku soo celiyey shacab careysan iyaga oo sheegay in fannaanka lagu aasayo halki lagu dilay.

 

Meelaha qaarna wuxuu iska hor imaad ku dhex maray booliska iyo shacabka mudaharaadaya, booliska waxay adeegsadeen rasaas iyo sunta ka ilmaha ka

 

BBC


Loading...
Loading...