Baashe Waa Qaalinkii Baarqubkii Geela Lahaa Ka Hor Doobyey (Abdi-Shotaly).

0
Wednesday July 01, 2020 - 10:21:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baashe Waa Qaalinkii Baarqubkii Geela Lahaa Ka Hor Doobyey (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

" Qoodha-ba dhufaan kurus qataly, wuu u qudhi-yaaye, marka-se  uu garabaha soo qabtuu, qaylo ka kacaaye" Muslinaw allaw ha loo joogo, wixii aan dhimanaw maalmo ka bacdi, Baashe baaba laga hayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe'e. Maalin walba waxa ku so maraaya yaab hor leh oo aanad filayn, horaa-se loo yidhi " Aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban, bal kan lagu keenay "Is-xambaarka" la yidhi kursi-gaas iskaga fadhi, isaga oo aan wax ahayn, ee inta qool lagu soo qabtay dadka laga dhigay, ee hadeer kabo aanu lahayn doonaaya in uu gashado eega, Saw ruux waalan maaha iyo caadaddii. " Hees baa ay ereya-deedda ka mid ahaayeen " Ruuxaan lugo ku joogine, haduu laab la sare kaco, leeg-leegad weeyee" Qofku hadaanu waxa uu yahay ogayn-ba waa balaayo, waa waxa ka taagan maamul goboleedka Hargeysa, ee uu  askariga dhako finish uu u sheetgo in uu ku hor kaajo'e, mid beel loo maqaar saaray, lagu yidhi siddii hal igadh ah saan-taas urso, waa ilma-haagiiye, oo sidaas lagu maamlo, ku qaab-kaas lagu shaqaalay-siiyey, oo la yidhi ahaw sawir ay eegtaa ama uu ugu tirsan yahay-na aanay jirin, mushahaaro yar-na ku qaado, oo aad nafta ku maaweeliso, haduu ka bad-badiyo, waa midh subxaana-laahi iyo wax aan meesha qaban, Waxa noocaas ah, oo aanu muran ku jirin haba-yaraatee ka lagu sawirey waxad tahay "Gudoomiyaha wakiiladda" Shaw waa qar iska xoore, haduun buu-se qab cagaha la galay. oo uu soo dedejiyey wad-kiisii, intii yarayd ee la yidhi ku noolaw-na, uu iska jaraya-yaaye yaa qabta? Intaan wiish la sare kicin.

 

 Waxa la yidhi " Wadaadaw Sidi-sidi lahaane, dhul dhacaaga hubso'e" kan ku qoran cinwaanka sare ku yaal, oo lagu yidhi magacaas iska huwanaw, oo aan isla garanayno inta ay awood-diisu tahay ama le'eg tahay, siduu ku yimina ay tahay "Is xambaar" ilayn dhulbahante sooma dooran, ee kursiga uun baa isaga oo dhabarka lagu sido, siddii ilmo yar uu ku yimi, oo lagu fadhii-siyeye kursi aanu filanayne, siddi awr hal loo tu'inaayo'e, ilayn waa duni aakhir samaane. Waa nin liita iyo dhaqan-kiiye, waa kan saaka bilaabay in uu ka hor doobyo Baar-qubkii Geela Iska lahaa Illaahay ka sokaw" (Waa Gudoomiye Faysal cali waraabe) Saw waxay kuugu daran tahay, marka adiga oon is ogayn qiimaha aad ku fadhido, aad si xun isula baxdo, oo aad hiigsato wax aanad meela u soo marin. Bal akhristaw taas baynu naf ka sugaynaa, Awr-kiraale lagu shaqaysto, mid reer loo maqaar saaray, oo la og-yahay mabda'iisa hoose halkuu ku qotomo, Baa Faysal Cali Waraabe ku haysta Hargeisa, oo leh waxan ka qaadayaa, waxa ay ugu yeedhaan " Xasaanad" Ee saw indho la'aan maaha iyo qar iska xoorid.

 

 Gabay baa waxa ku jirey " Baaluqe is mood, wiil haduu buuryo goys yahay, Bisqinyaa rag kuu geeya, aan baydh-na kaa tarina" Kani haduun buu wadkii galay, iska ceesh oo kursigaa isku rux diidye. ha la ogaado wuxuu ku dambeeyo. Horaa loo yidhi " Dhubuq-dhubuq hore, dhabana hays dambe bay leeda-haye" Maalin-ba mid uu askariga" Raggii ma adigaa ka hadhay" uu soo cabeeyey siddii qoriga, lax dhukani abaar moog ah, iyo laguma dhaamee dhaqaaq, oo kun-kunsan siddii fud la tuuray baa ku soo gelaaya. Bal kan eega ninka " Garxajis" Ee Hargeisa dhex jooga, weliba ah Gudmoomiye Xusbi " Waa Faysal cali Waraabe'e" oo aanu kaba-hiisa gaadhayn, ugu dhex hanjebaaya Hargeisa. la yaab-se ma laha, oo hore baa wax badan inoo soo maray kaasi, waana tii loogu maah-maahay " Awr-awr wado iyo nin naagi wadaa, mid-na kaama baydho" Waa wax la arki jirey oo aan inoo cusbayn, in uu weligii-ba doqon dabadda laga soo qanjii-dhiyey, nin rag ah iska daba dhigto, saw kama dhigna qaalinkii baar-qubka geeliisii roorsaday. Waxan ku soo af-gooyey qoraalkan, bixisaa wadoo, basar uma socdee, haduu xoog is-biday, waa bayd go'iisii. beryuu luga fishee, bohol maysku riday.

 

* N.B Baaluqe Is Mood Wiil Haduu Buuryo Goys Yahaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...