Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Furitaanka Garoonka Muqdisho Stadium?+Sawiro

0
Tuesday June 30, 2020 - 19:40:03 in News by
  • Visits: 3387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Furitaanka Garoonka Muqdisho Stadium?+Sawiro

    Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Furitaanka Garoonka Muqdisho Stadium?+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Furitaanka Garoonka Muqdisho Stadium?+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

Madaxweynahaayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.



Image may contain: outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: table and indoor
Image may contain: 1 person, standing, child and outdoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: sky, cloud and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, shoes
Image may contain: 1 person, standing and sunglasses
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people
Image may contain: 2 people, indoor
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: sky, grass, cloud, outdoor and nature
Image may contain: 10 people, people standing, shoes and outdoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: 4 people
Image may contain: stadium, sky and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and suit
Image may contain: 1 person, standing, basketball court and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sports, stadium, grass and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sports and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sports and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sports and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, sky and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, table and indoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: one or more people, table and indoor
Image may contain: 7 people, people standing
Image may contain: 4 people, indoor
Image may contain: table and indoor


Loading...
Loading...