Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Dadka laga helay Covid-19

0
Tuesday June 30, 2020 - 19:41:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Dadka laga helay Covid-19

    Dadka cudurka lagga baadhay oo ahaa 99-qof, waxa xannuunka laga helay 18-qof, oo 10-ka mid ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka cudurka lagga baadhay oo ahaa 99-qof, waxa xannuunka laga helay 18-qof, oo 10-ka mid ahi
Hargeisa(HWN):-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay in 18-qof oo cusub laga helay cudurka Coronavirus 24-kii sacadood ee u danbeeyay.
WASAARADDA cAAFIMAADKA SOMALILAND IYO WARBIXINTA XANUUNKA cOVID19 2020.png


Dadka cudurka lagga baadhay oo ahaa 99-qof, waxa xannuunka laga helay 18-qof, oo 10-ka mid ahi u dhasheen Somaliland halka 8-da qof ee kalena ay yihiin dad ajaanib ah, 16-ka mid ah dadkan aya rag ah, halka 2 qofna ay dumar yihiin.

Bukaanadan cusub ee lagga helay cudurku waxaa ay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 70-jir, dadkan 10-qof oo ka mid ah waxaa ay degan yihiin magaaladda Berbera, halka 8-da qof ee kalena degan yihiin caasimadda Hargeysa.

Cudurka Coronavirus waxaa ka bogsaday 4-qof, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka bogsaday ka dhigaysa 165-qof, Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland waxaa ay bulshada ugu baaqday in ay ka digtoonaadaan cudurka isla markaana ay ilaaliyaan nadaafada sidoo kalena ay kala fogaadaan.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...