Seddex fursad oo suurtagal ka dhigi karta in shaki la'aan Farmaajo uu noqdo madaxweynaha xiga 2021.
Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado sokeeye iyo burbur dhinacyo badan saameeyay ayaa dadka odrosa siyaasadda waxa ay caqabadaha taaggan ku biirinayeen, is-beddalka madaxda hoggaanka loo doorto iyo in aan la siin qorshe-yaal ay ku fuliyaan wixii ay ballanqaadeen, qaarkood xilka ay ka dagaan iyagoo meel wanaagsan marinaya fulinta ballanqaadyadii.
Haddaba; waxaan qormadan diiradda ku saareynaa seddex qodob oo suura-galin kara in shaki la,aan madaxweyne Farmaajo mar kale loogu doorto madaxtinimada, ahna waxqabad weyn oo mar kale ololihiisa doorashada noqon karto dadkana ku qanci karaan.
1-Nabadoonimo iyo tanaasul:
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha doorshada 2016 kii waxa uu ballanqaaday in uu noqon doono nabadoon waxa uu soo xertay koofida lagu yaqaanno dhaqanka soomaalida, taas waxay keentay in xildhibaanadii go’aanka lahaa ay gartaan in loo baahanyahay in fursad la siiyo qof nabadoon ah Farmaajo ayaana la doortay 8 Febraayo 2017.
Inkastoo ay jiraan dhaliillo loo jeediyo madaxweyne Farmaajo, haddana waa fursad kale oo uu ku abuuri karo kalsooni shacab hadii tanaasul u muujiyo maamul gobaleedyada oo uu goob isugu keeno madaxweynaha, oggolaadana in lagu kulmo madax loo dhanyahay, waxaana si cad loo garwaaqsanayaa in Farmaajo yahay nabadoon u jilcan xal u raadinta soomaalidii kala irdhowday ee qabiilka iyo qorigu sareeyay.
2-Sinaanta beelaha:
Waa fursad kale oo fulinteeda u abuuri karto kalsoonida soomaali badan oo qori loogu awood sheegtay, xuquudoodiina la duudsiiyay ama loogu yeeray in ay (NUS ) yihiin, kuwaas oo la nool niyad jab, balse waa dadkii u soo bannaan baxay ee doortay madaxweyne Farmaajo ka dib ballanqaadkiisii ahaa in uu ka shaqeyn doonno sidii looga gudbi lahaa hanaanka 4.5 , loona noqon lahaa beelo siman.
Waa tillaabo miisaankeeda leh oo uu ku heli koro codadka in ku dhaw boqol xildhibaan, waana fursad dahabi ah oo ka dahsoon siyaasiyiinta leh damaca siyaasiga ah, balse guul iyo taariikh cusub ayay u noqoneysaa haddii uu tillaabadaan qaado, waana arrin kaabi karta guusha la mahdiyay ee matalaadda gobalka Banaadir.
3-Fursad siinta beelaha aan leheen mataaladda siyaasiga ah:
Soomaaliya oo hannaanka wax-qeybsigeedii uu ku dhisnaa sad-bursi iyo isu- awood sheegasho; waxaa dhacday in beelo soomaaliyeed xuquuqdoodii ay duudsiiyaan beelaha kale ee soomaalida ah.
Madaxweyne Farmaajo haddii uu ku guuleysto dhowrka beelood ee aan ka badneen 10-ka ee beelaha kale xuquuqdoodii ay duudsiiyeen in matalaad rasmi ah labada aqal ay ku yeeshaan, waa fursad kale oo uu ku abuuran karo Xildhibaanno codkooda suurtagal aysan aheyd in ay meel kale aadaan.
Sidoo kale shacab Soomaali ah oo uu madaxweyne u ahaa, la dulmiyay, loo awood sheegtay, xaqoodii la boobay, lagu takri falay, loo diidday wax walba oo qof walba soomaali ah xaq u lahaa in uu fursad iyo kalsooni ku abuuray.
Waxaana ay arintas noqoneysaa bog cusub oo furmay iyo taariikh cusub oo qorsheysa.
Akhriste waa suura-gal in fursad kale adiga ay kuu muuqato, ama fursadan ay tahay mid aan adiga kuu muuqan.
Aragtidada igula wadaag
W/Q Xasan Kaahiye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!