Gaadiidkii Xukuumadu Sharci Darada Kula Wareegtay Oo Dib Loo Celinayo
Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka soo saartay xukun ah in Gaadiidkii lagu qabtay Jaadka loo celiyo dadkii lahaa.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda Gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo Ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo Xukunkaasi.
Maxkamadda ayaa amartay in Qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, Xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland.


0 





