" Somaliland maaha gobollada Waqooyi" Xildhibaan Nacnac

0
Tuesday June 30, 2020 - 11:29:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Somaliland maaha gobollada Waqooyi" Xildhibaan Nacnac

    Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay in Doorashooyinka Soomaaliya aanay haba yaraate khusayn Somaliland, cid kasta oo gasha Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland aanay cidna matalin.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Doorashooyin ka dhaca Soomaaliya wax ka khuseeya Somaliland ma jiraan, xubnaha Barlamaankooduna wax haba yaraate khuseeya Somaliland maaha, Xildhibaano Somaliland matala oo qayb ka noqon kara Barlamaanka Soomaaliyana ma jiri karaan, maxaa yeelay waa dad iyagu shaqo tagay, maxaa yeelay anaga ayaa ah Barlamaankii Somaliland, anaga ayaa nala doortay, oo Shacabkayagu na doorteen, Barlamaanka Somaliland kuma yaalo meel ka baxsan Somaliland ee wuxuu ku yaallaa gudaha dalkeena, Somaliland maaha gobollada Waqooyi Galbeed oo Soomaaliya ka tirsan,  hadal xumada ha joojiyaan Farmaajo iyo Maamulkiisuba, haddii aynu kala guranay Soomaaliya inaynu sii kala socono mooyee, isku soo noqosho dambe ma jirto, Farmaajana taas mar kasta niyada ha ku hayo”

 

Mar uu ka hadlayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa yidhi "Markii hore halkii loo baahna ayey Somaliland ka abaartay wada-hadallada, wejiga dambe ee wada hadaladana waxaynu ka filaynaa inaynu guul kala soo noqo”


Loading...
Loading...