Taariikhda Dib-Uheshiisiinta Soomaaliya: W/Q: Muuse Cabdi

0
Tuesday June 30, 2020 - 09:00:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Dib-Uheshiisiinta Soomaaliya: W/Q: Muuse Cabdi

    Hadaba maxaa casharo ah ee laga baran karaa khaladaadkii dib uheshiisiinta Soomaalida:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba maxaa casharo ah ee laga baran karaa khaladaadkii dib uheshiisiinta Soomaalida:

Xasilooni darada ka jirta Soomaaliya waxay qaadatay muddo badan kuwaas oo kasoo bilaabmaya 1988kii, markii Jabhadii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed (SNM) ay dagaalo qadhaadh kala hor timid taliskii macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, kadib markii uu cadaadis gaar ah saaray dadyawga ku dhaqan waqooyiga. Dagaalkaas dhexmaray jabhadda iyo ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed ayaa waxa uu keenay barakac baahsan oo ka dhacay qaybo kamid ah goboladii waqooyi, intaas kadibna waxa soo laba kacleeyey jabhadaha ku salaysan nidaamka qabaliga ah oo iyaguna kasoo horjeeda xukunka milatariga. Wakhtiyadaas waxa dunida kasoo gebogaboobay dagaalkii qaboobaa, duniduna garab may siinin Soomaaliya si ay u heshiisiiyaan dawladda iyo jabhadaha ku kacay, wadamada carabta iyo islaamkuna waxay wakhtigaaas aad ugu mashquulsanaayeen dagaalada iyo duulaanka Ciraaq ay kusoo qaadayso wadamada gacanka carbeed sida Kuwayt, islamarkaana way adkayd inay ka fikiraan siyaasadaha arimaha dibada.


Lis Dairy

Bishii Jeenaweri 1991kii, waxa dhacday dawladii milatariga ahayd kadib markii ay magaalada Muqdisho gudaha u galeen xoogagii jabhadda USC, ee uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid (AHUN). Intaas kadib hadaba garab ganacsato ahayd oo maalgelin jiray jabhadda USC, loona yaqaanay kooxda Manifesto ayaa waxa ay madaxweyne ku meelgaadh ah u doorteen Cali Mahdi Maxamed, islamarkiiba waxa doorashada si wayn uga biyo diiday garabkii hubaysnaa ee uu hogaaminayay Jeneraal Caydiid (AHUN). Diidmadaas kadib waxa koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ka dhacay dagaalo lagu hoobtay, waxaana abuurmay hogaamiyo kooxeedyo, qas, falal danbiyeedyo qorshaysan iyo burbur baahsan ayaana caasimadii ka dhacay.


Soomaaliya wakhtigaas ay masiibada colaaduhu ku habsadeen dunidu way udhabar jeedisay, walaw wakhtigaas arimihii Ciraaq iyo Sadaam Xuseen uu dunida carabta dhexdeeda ku cartamayey, hadana waxa xalka Soomaaliya uu lasoo gudboonaadey inay soo faragaliyaan wadamada gobolka ku yaala sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya.


Hadaynu waxoogaa soo qaadano shirarkii dib uheshiisiinta ahaa ee Soomaalida loo qabtay, waxaynu kusoo koobaynaa halkan;

·       Djibouti 1……………..June 1991………Jabhadiha ayaa lagu marti qaaday

·       Djibouti 2……………..July 1991………. Jabhadihii ayaa lagu marti qaaday

·       Adisababa 1 iyo 2 …………Jeenaweri/ Maarij 1993…….. qaybahii kala duwanaa ee siyaasada ku loolamayay ayaa goob joogayaal ka ahaa

·        Sodere…………………Nov/1996-Jen/1997………. Qaybihii kala duwanaa ee siyaasada

·       Qaahira………..Nov/1997

·       Carta………….May-Ogost 2000

·       Imbigaati……..2002-2004


Waxa iyaguna jiray shirar waxoogaa ah oo la kulan siinayay xubnihii hubaysnaa qaar kamid ah oo ka dhacay meelo kala duwan sida Kiiniya. Isla Juun 1991kii, shan bilood uun kadib markuu dhacay xukunkii milatariga ahaa ee Soomaaliya ayaa madaxweynihii Jabuuti ee wakhtigaas Xasan Guuleed Abtidoon wuxuu casuumay ururadii iyo jabhadihii wakhtigaas jiray waxaana kamid ahaa SSDF, SPM, SDM, USC, SAMO iyo SNU. Maadaama aanay jirin cid awood wayn leh oo jabhadaha ku matalaysay shirka Jabuuti, qodobada kasoo baxa may ahayn kuwo marka horeba fulaya waayo hogaamiyayaasha jabhaduhu waxa ay fadhiyaan furimaha dagaalka, oo Jeneraal Caydiid isagu wuxuu aad ugasoo horjeedaa ismagacaabida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.


Khilaafka ka dhex qarxay Jeneraal Caydiid iyo Madaxweyne Cali Mahdi ayaa arinta oo dhanba sii xumeysey, waddankana gaadhsiiyay burburkaas xad dhaafka ah. Dhamaadkii 1991kii ayay xaalada Soomaaliya saaxafadda caalamka toos ugashay kadib macluul soo food saartay dad Nus milyan qof ku dhaw iyo dadka oo loo dilayo si toos ah iyadoo Muqdisho oo kaliya ay ku naf waayeen 25,000 oo qof. Qaramada midoobay ayaa iyaduna bilawgii 1992kii toos usoo faragalisay arimaha Soomaaliya, tallaabooyinkii ugu horeeyey ee ay wakhtigaas qaramada midoobay qaaday waxa kamid ahaa Cunaqabatayno iyo ciidamo si toos ah uga dagaal galay Muqdisho oo ay isku fara saareen ciidamadii uu hogaaminayay Jeneraal Caydiid.


Hadaba dadaaladaas dib-uheshiisiinta ahaa ee dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya loo qabanayey wakhtigaas dheer majiro mid la isku raacsan yahay inuu Soomaalida midho manfac leh uu ugooyay, waxaana ka abuurmay doodo dhinacyo badan taabanaya oo si waynna u lafo guraya mawduucan, doodaha ugu awoodda wayn leh waxa kamid ah kuwa leh Soomaalidu iyaga ayaa keenay in loo taliyo maadaama oo ay maslaxadooda garan waayeen, dooda labaad ayaa iyana ah faraglinta wadamada shisheeye oo aan xal waara u keenin khilaafka Soomaaliya, waxaana ay leeyihiin xalalkii kala duwanaa ee Soomaaliya lagu dayay midina uma aanu cuntamin dhibta ugu wayn ayaana ahayd in Wadamadii xalka Soomaaliya raadinayay ayaa la kala safteen dhinacyadii siyaasada isku hayay.


Doodaha kale iyana waxa kamid ah kuwo leh sida aduunyadu ubaadhay dhibka Soomaaliya ayaa ahaa mid khaldan marka horeba, kadibna xalkii iyo dawadii ay ku dayeen dib uheshiisiinta Soomaalida ayaa noqotay mid khaldan.


Hadaba maxaa casharo ah ee laga baran karaa khaladaadkii dib uheshiisiinta Soomaalida:


·       Soomaalida oo aan laga qayb galinin talada dib uheshiisiinta ayaa ka dhigtay inuu khasaare ku danbeeyo dadaaladii dib uheshiisiinta, tusaale ahaan shacabka Somaliland iyagaa si iskood ah iskugu yimid Boorama dhistayna dawladnimadooda iyada oo aanay cidi ku dhex jirin, tan ayaana xal waara unoqotay Somaliland. Balse Soomaalida kale wali waa lagu dhex jiraa.


·       Shirarkii dib uheshiisiinta oo ka dhacay wadamo shisheeye isla markaasna ay maalgalinayeen dawlado shisheeye ayaa keentay midho la’aanta hawlihii ay qabteen.


·       Dawladaha aduunka oo awooda saaray sidii ay dawladnimo uga dhisi lahaayeen Soomaaliya halka nabadiiba aanay jirin, oo dawlada la doorto xafiiskeeda ay nabadgalyo daro kajirto. Casharkan Somaliland ayay dunidu si fiican ugu baratay oo markii Nabada laga hirgaliyay ayay dawladnimo dhisteen.


·       Adduunku waxa uu ku mashquulay sidii awooda loogu qaybin lahaa dhinacyada is haya balse qorshahaba kuma aanay darsanin sidee horta khilaafka loo xalliyaa. Marka dadka khilaafka ka dhexeeya la dhameeyo ayuun baa laga hadli karaa side baynu awoodda dawladnimana uqaybsannaa.


·       Waddamada raba inay Soomaalida dhexdhexaadiyaan oo aan dhexdhexaad ka noqonin arimaha kuwaas oo si gaar ah ula safta dhinacyada is haya.


·       Waxa jira wali dad raba inaan xasilooni buuxda aanay Soomaaliya ka dhalanin kuwaas oo faaido ku qaba is-qababsiga iyo in xasilooni daradu ahaato mid waarta. Kooxahaasna wali dhindu si fiican umay baranin. Waxaana wali dhexdhexaadiyayaasha ka maqan inay ogaadaan yay talada Soomaalidu ka go’daa.

 

W/Q: Muuse Cabdi

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...