Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hawd oo Ka Dareen Celiyay Xilka Loo Magacaabay
Axmed Cigge Maxamed Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd ayaa madaxweynaha Somaliland
Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd Axmed Cigge Maxamed Geeddi oo maanta madaxweynaha Somaliland u magacaabay guddoomiyaha gobolkaasi ayaa ka dareen celiyay xilka loo igmaday.
Axmed Cigge Maxamed Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay xilka uu u igmaday ee gudoomiyenimo.

Guddoomiye Axmed Cigge ayaa sheegay in xilka loo igmaday u baahan yahay masuuliyad odaytinimo, dhexdhexaad, maskax furnaan iyo dad isku wad.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in uu u mahadnaqayo shacabka reer Somaliland ee ugu duceeyey uguna hambalyeeyey xilka.
Guddoomiye Axmed Cigge ayaa sheegay in Dadwaynaha gobolka Hawd uu ka rajeynayo wada shaqayn wacan oo horumar iyo horusocod leh.
"Waxaan ugu horayn u mahadnaqayaa ilaahay caafimaadka iyo garashada ina siiyey. Intaa kaddib waxaa mahad iska leh madaxwaynaha JSL muddane Muuse Biixi Cabdi oo ii gartay inuu ii magacaabo xilka gudoomiyaha gobolka Hawd, runtii waa masuuliyad u baahan odaytinimo, dhexdhexaad, maskax furnaan iyo dad isku wad. Mahad kale waxaan gaadhsiinaya Shacabka reer somaliland ee iigu duceeyey iiguna hambalyeeyey xilka. Dadwaynaha Gobolka hawd waxaan ka rajeynayaa wada shaqayn wacan oo horumar iyo horusocod leh.
Walaalayaal waxaan idinka codsanaya inaad igu soo ducaysaan in ilaahay ii fududeeyo xilka”.ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd Axmed Cigge Maxamed.
Loading...
Loading...