Wasiirka Beeraha Somaliland oo Beeralayda Ka Dalbaday Inay Ka Fogaadaan Ayaxa La Buufinnaayo

0
Monday June 29, 2020 - 21:37:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha Somaliland oo Beeralayda Ka Dalbaday Inay Ka Fogaadaan Ayaxa La Buufinnaayo

    Wasiirka Beeraha Somaliland oo Beeralayda Dalka Ka Dalbaday Inay Ka Fogaadaan Ayaxa La Buufinnaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Beeraha Somaliland oo Beeralayda Dalka Ka Dalbaday Inay Ka Fogaadaan Ayaxa La Buufinnaayo

Hargeisa(HWN):- Wasiirka horumarinta Beeraha ee Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa fariin wacyigalin ah u diray dadka Beeralayda ah oo ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha Ayaxa laga Buufinaayo.



Axmed Muumin Seed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha waxaa uu sheegay in ay socdaan hawlgalo cir iyo dhul ah oo ay ka qayb qaadanayaan Diyaarado iyo baabuur kuwaas oo meela kala duwan ka wada buufinta Ayaxa.

Waxaa uu Wasiirku bulshada ku dhaqan deegaanadda ay ka socdaan hawlgalada lagu buufinaayo Ayaxa ay ka fogeeyaan xoolaha isla markaana goobaha Biyaha laga daboolo si aanu Ayaxu u gelin waxaanu xusay in Dawada lagu buufinayaa tahay Ayax dile aan waxba yeelaynin dadka.

Wasiirka horumarinta Beeraha ee Somaliland Axmed Muumin Seed, waxaa uu deegaanadda Somaliland iyo bulshada ugu baaqay in ciddii aragta Ayaxa iyo Koronkorada ay xidhiidh la soo sameeyaan Isuduwayaasha goboladda ee Wasaaradda Beeraha iyo Saraakiisha wasaaradda.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...