Wasiir Faaratoon oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiilladda

0
Monday June 29, 2020 - 21:24:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faaratoon oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiilladda

    Wasiir Faaratoon oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiilladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faaratoon oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiilladda

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta hortagay guddida hoosaadka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilada Somaliland.

Lis Dairy


Kulankaas oo ahaa mid is-xogwaraysi ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha guddida Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo sheegay in ay wasiirka wax ka weydiiyeen hawlaha iyo waajibaadka ay wasaaradaasi qaranka u hayso gaar ahaa shirarkii Itoobiya iyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Jabuuti iyo arrimo la xidhiidha xidhiidhka caalamiga ah, wuxuuna xildhibaan Kijaandhe intaas ku daray inay ku qanceen warbixintii uu wasiirka arrimaha Dibaddu siiyey oo uu sheegay in Somaliland wakhtigan marayso marxalad aad u wanaagsan.

Geesta kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay guddida iska waraysteen arrimo badan oo la xidhiidha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana uu siiyey warbixin faahfaahsan oo arrintaas la xidhiidha, wuxuuna intaas ku daray in ay si wanaagsan isula afgarteen waxyaabihii ay iska waraysteen.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...