Fadeexaddii ka Muuqatay Xafaladdii 26ka June ee Madaxtooyada

0
Monday June 29, 2020 - 16:38:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexaddii ka Muuqatay Xafaladdii 26ka June ee Madaxtooyada

    W/Q: A. Baaruud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: A. Baaruud

 Inkasta oo ay ahayd maalin mudnaan weyn inaga mudan oo ku beegan lixdan guuradii xornimadii Somaliland, dad badanina u hanqal taagayeen weyneyenteeda, ayaa haddana xafladii ka dhacday qasriga madaxtoodu ay ahayd mid foolxumo weyni ka muuqatay taasoo reebtay hadal hayn badan.

 

Marka hore sida loo abaabulay xafladaas iyo mid dambe oo ka dhacday Hotel Gulied ayaa u muuqday kuwo beelaysan, saddex beeloodna udub dhexaad u ahaayeen, Gadabuursi, Sacad Muse iyo Jaarso.  Marka taa laga yimaado,  habka madaxweynuhu u lebisnaa xafaladii madaxtooyada ayaa u ekayd in loogu yeedhay xaflad afur bil ramadaan. 

 

Khamiiska mudhuxsan ee madaxweynuhu xidhnaa ayaan ahayn mid ku haboon munaasabada uu hormoodka ka ahaa.  Inkastoo qaabka loo fadhiyey ee la kala saaray raga iyo dumarka uu ahaa mid waafaqsan dhaqanka islaamiga ah, haddana waxa la arkaayey agaasimaha guud ee madaxtooyada oo isagu dumarka dhex fadhiya, taasoo noqotay hadalhaynta ugu badan maalmahan. 

 

Qaabka brotokoolka fadhiga ee madaxda ayaan isna haboonayn, madax ay ahayd inay safka hore fadhiistaan oo uu ka mid yahay guddomiyaha maxkamadda sare ayaa la arkaayey isagoo meel dambe fadhiya. Fanaaniinta ayaan iyaguna habaysnayn oo qof weliba siduu doono u lebisnaa. Fanananta geyiga Somalida loogu jecelyahay ee xiddigaha geeska ayaa si habqan ah u imanayey goobta.   Koox kale oon is lahysan ayaa jirtay oo badankoodu saaxadda ku cusbaayeen.  Marna ma ahayn in la soo bandhigo kooxda xarunta agoomaha xilli ay taagan tahay fadeexadii Cawo Xariir oo aan weli dhinacna u dhicin, taasoo la sheegayo inay meelo sare cagaha la gashay.

 

Waxay ku haboonayd in la tixgeliyo masiibada ku dhacday ilmahaa yare ee aan weliba xiskeedu dhamayn, oo marka ay ugu liidato aan la casumin guddoomiyaha xarunta agoomaha oo iyadoo dahab tiro badan isku gurtay goobta ka muuqatay.  Ninka xidhiidhaya ah ayaan isna u bislayn shaqada uu hayay.  Iyadoo markii ugu dambaysay la waayay koox fanaaniin ah oo uu yeedhay. 

 

Shirkada isgaadhsiinta ee SO oo soo tebinaysay barnaamijka ayaa iyana ku guuldarrsatay inay si joogta ah u soo tebiso, marar badan  ayaa codadka lawaayay marar kalena muqaalka ayaa baxayey.Sheekha khudbadda lagu qoray, Skeekh Cabdilahi Cali Jowhar, ayaa isna goobta ka sheegay in si degdeg madaxtooyadu ugu yeedhay oo aanu soo diyaar garoobin, aakhirkiina wuxuu jeediyay khudbad u eg inuu ka hadlayo 18 May.

 

Ugu dambayn waxaa la arkaayey guddomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu dantiisa ka raacay, oo hurdo dheer galay.Maxaad kaloo ka fili lahayd madaxtooyo ay isku urursadeen carruur yaryar iyo carruur waaweyn oo isku qoys ka soo wada jeedaa.  

 

W/Q: A. Baaruud

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...