Xiligii Dawladii Siyaad Bare Ayaa La Xidhay Koox Dhalinyaro Ah Oo Ciyaalo Aktoobar Iyo Axmed Gurey Ah.

0
Monday June 29, 2020 - 16:18:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiligii Dawladii Siyaad Bare Ayaa La Xidhay Koox Dhalinyaro Ah Oo Ciyaalo Aktoobar Iyo Axmed Gurey Ah.

    W/Q: Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Dhalinyaradaa waxa ka mid ah ahaa Weyso oo aniga ii sheekeeyay. Waxa uu yidhi "Markii aanu maalin iyo habeen xidhnay ayaa hooyooyinkayo naga daba yimaadeen. Markii ay waraysteen sababtii nalagu xidhay na waxa lagu yidhi waa qaran dumis".

 

Kadib wayso hooyadii oo ka mid ahayd hooyooyinkii saldhiga yimi ayaa si fajac leh u tidhi " Hooyo qaranka uu wayso duminayaa markii hore ayaanu cago adag ba ku taagnay".

 

Xiligaasi waxa ay ahayd intii aanay wax walbaa qasmine,ragii saldhiga joogay oo uu taliyihii ka mid ahaa inta ay qajileen oo ay hoos u foorar sadeen oo hadalkaasi maankooda dubuq yidhi ayay amreen in dhamaan dhalinyaradii la siidaayo.

 

Waxaanay hooyooyinkii ku yidhaahdeen waanu idiin siidaynaynaa ee caruurta idina ka war haya yaan la duufsane.

 

Waxii dumay bay lahayd.

Dal iyo magac bay lahayd.

 

Wallee ana waxa igu dheer nin aan garanayaa habeen uu impirial nagaga ilamaysiiyay oo inta uu iska qiiraysiiyay uu lahaa dalkan hadaad og tihiin waxii loo soo maray. Dabadeed uu ka sheekeeyay xadhigii hadraawi, cabdi qays iyo dhalinyaradii Uffo.

 

Kadib uu noogu bushaareeyay hadii Udub tago in cagaha jano lala gali doono. Qiiroon ogaayee.

 

Maanta qarankii loo soo halgamay shucayb yare oo dabayaaqadii 2002 dii dhashay ayaa u xidhan. Mana filaayo in ay joogaan rag sidii ragaas odhanaaya waar waa ceebe ilmaha yar inaga siidaaya.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...